You are on page 1of 119

01. Sow ibtilo maaha 02.Alif iyo ba' 03.Allow sahal amuurah 04.Koris wacan 05.

Dugaag daris maleeyahay 06.Ummadaha maxaa haga 07.Rajaa nolal ah 08.Aammiin innoo dhaha 09.Kuwii aan cilmiga baray 10.hogaan toosan 11.humaag culimo 12.dhabba toosan 13.caqli dhaba allow nasii 14.yaa ceebta naga dhaqi 15.caruurteenna sharafta lehs 16.Doodeey maxaa tahay 17.Gurmadka jaamicadda moqdisho 18.Danba way iciidsii 19.Dadku kala ayaan roons 20.Sedeed madax ku noqon kari 21.Qorba joog dhammaantiin 22.Waqtigiisa dhumiya 23.Dhimashada ha diidina 24.Qallooceenna yaa dhalay 25.Fanku wuxuu cabirayaa 26.Kalinimaa kadeed leh 27.Tallaabada koobaad 28.Hanka wayn 29.Jacaylba wanaa dhala 31.noqo Raad wax tari kara 32. Usahami adoon rarin 33.Dadku maxay codsanayaan 34.walidoow ma ogtahay albaabkaas 35.Dadku maxay codsanayaan 36. 37.

JEES URURAY: Dr Ali Sheikh

01 Sow ibtilo maaha


hordhac Toban sano markay dhammaatay ayuu ahaa baaqii qiimaha badnaa ee ka yimid Madaxwaynaha Ummadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle , shirkii Carta ayaa ka dhashay, waxay noqotay arrin loo bogay oo abuurtay rajo aad u wayn. Dhawr bilood ka dib waxaa isu kay qaban waayay shaqadii la sugaayay iyo hab dhaqankii ka yimid maamulkii lagu soo doortay Goobtii Carta, Fajiciso iyo yaab ayay igu keentay, waxayna ila noqotay ayaan darro waynan badan iyo ibtili, saasu ku yimid gabaygan. Arrin guud kuwii lagu ogaa beledka aan joogna Ka ilaasha eex iyo ajeyn kuwi ogaan yeelay, Oo cadow ka oodiyo la yiri aqalka noo fiiqa, Ee ummadda dayrka u noqdoo talada oogaayay, Inay udubadeedii dunshaan sow ibtilo maaha? Ammaanada kuwii qaadayee lagu ammaanaystay, Abbaan iyo ugaas iyo horfiiq odayna noo doortay, Agaasimida hawlaha dalkiyo inay adeegaanba, Amnixumada taalana ahayd inay daweeyaanba, Inay iinka sabab uba noqdaan sow ibtilo maaha? Aqoon sare kuwii lagu tuhmiyo garasho loo aayo, Anshi diin albaabada cilmiyo aayad iyo saaynis, Ideel kuwa itaalkii kasmada sidi uraad leefay, Ummadduna is-tiri way la' iman aawil lagu raysto, Abaar kulul kuwii soo arkeen agan biyood dhaansan, Oo inay oonbax geeyaan ahayd ceelka ummaddooda, Iyo keenid aaraa xal huban dunidan aafowday,

Hadday aragti aan tayo lahayn iyo awood toona, Isma-dhaanto aagaan arradan ebber naclaynaysa, In waxbaratay ay wada noqdeen sow ibtilo maaha?

Albaabka tarbiyada Ilmo baahan awlaad wax cunin ubad qadoo baahan Afbilawna aan helin aroor oo aan habeen quudan, Ilmay gaaja haysoo darxumo alaladoo yuusay, Oo eeday marad aan cidnaba daawo la agjoogin, Oo aabbihii dhalay qayili soo ibtilo maaha,

Agloolkiyo ilaalada ilmaha iyo agjoogooda, Haddaan hooyo iyo aabbo noqon ul iyo diirkeeda, Oo uba agaasimin tarbiyo hab isku aadaaddan, Agabbarid asaas raac hadday orod midaynaynin, Ilma-korinta tooduba markaa ma ambaqaadayso, Inay labo akeekama noqdaa sow ibtilo maaha? Erey lagula qawlaba haddaan iinta laga dhowrin, Anshi iyo haddaan eddeb la barin iyo asluub toosan, Oon lagu anqarin diin Illaah alab falaadkooda, Oon ubadka loo hagarbaxayn way anbanayaane, Aroor saxan asiiliga abbaar ubad hadduu waayo, Anbabbaxa inii laga qasaa sow ibtilo maaha?

Addimaha waxay oofiyaan uur wixii jira e, Afka iyo qalbiga oon israac hawl u wada oogin, Afka-sheeg ahaysiin la socod ficil asaaggii ah, Uma aha astaan lagu daydaa ubad dhegaystaaye, Addin aan afkii yiri aqbalin sow ibtilo maaha? Sida Eebbii uumay faray uunka dunidoo dhan, Ikhlaas waa inuu yahay waxaan ku andacoonaaye, Ilmo korin asluubaynta iyo agabbar siintooda, Tarbiyadaan ikhlaas lagu salayn waa ajarid weyne, Afka laga ma baafiya waxaan lala imaanayne, Awaajiyid atoor laga ahayn u andaqaadkeeda, Wanaag aabbihii faray akidid sow ibtilo maaha?

02 ALIF IYO BA'

Aqoon xumo waa arag laan iyo iyo indha la,aan waxayna ka timaadaa markuu ammada hogaamiyaan dad khaldan oon cilmi lahayn ama aan marin jidkii aqoonta . 1992 ayaan imid dalkeenna , Anoo ka maqnaa muddo labaatan sano ku dhawaad ah, Waxaan aad ula yaabay aragtida dadku ay nolasha ka qabaan, isaga fadhiyaan, u murmaayaan, isu laynayaan,una kala qaxaayaan. waxaan ishaydu qabanaysay caruurteenna yaryari qab xumada nolashooda, cayda afxumada iyo dagaalka dhexdooda yaalla, kuwaasoon ku arki magaalooyinka kala duwan, waa baahan yihiin, waa qaawanyihiin, way cabsanayaan, uma kallahaan wax barasho oo iskuullo furanba ma jiraan. arrintaa waxaa iiga soo baxay masuuliyo xomo la iska soo dhaxlay oo keentay sidaanahay maanta,Waxaan helay in ka mid ah suaashii ahayd: Maxaa dalka dumiyay? Maxay dadku sidan u yihiin? Nolashooda may wax ka badalaan? Darxumada ilmaha dili, Ha ka doonin meel kale, Dadkii dhalay bal waydii, Dulliga way wadaagaan, waa la isku wada dhalay Da' un baw dhaxaysee, Duqaydiyo caruurtood, Waa duul isdhalay oo, Dareen mida ayaa jira, Dalka wada maseeyoo,

Dowrkooda baabi'in, Danbi male caruurtuye Dawlad xumada taalliyo Dadkii dhalay ayaa gabay munaasabaa ayuu ku dhasay gabaygani.

ALIF BA' Ubadkeenu waa ubax dhashoo wada ifaayaayee, Ilwaad weeye laabta u bogtiyo hibo Illaahey e, Allaa nagu risaaqoo idlaad uunka wada siiye, Waa ammaano culus oo la rabo inaan adkaynaaye, Innaguna masuul baan ka nahay ababintoodiiye, Edeb iyo aqoon wada jiraa ubadka noolayne, Iyo ilaalo joogtoo marnaba laga il-duufayne, Indha beelyey duulkii cilmiga lagaba oodaaye, Agankii awoodana ma leho kaan isguul galine, Aqoon buu ku gaaraan dadkaba aayatiin qumane, Feker wada abaabulan haddii ubadka loo qeexo, Oo karaanka koodiyo aqliyo dhimir itaalkooga, Iyo awood waxay lee yihiin laba ogeysiiya, Aglool-siina loo furo dugsiya laga iftiin-siiyo, Oo loo adeegsado si wacan agab tacliinoo dhan, Sidaasay ilmaha aan dhalnaa ku aflaxaayaane, Kuna gaari ummaddeena libin isku-filnaan weyne, Alif iyo ba'diisiyo ta'doon aano lagu taagin, Aqoon kororsi daaima haddaan ubadka loo sheegin, Oon oogta waaberi dhammaan agabka loo qaadan, Oon lagu anqarin maalintuu uurka soo baxayo, Arrimaha islaamkeenu faray dooda lagu aadin, Oon lagu agaasimin cilmiga Eebbeheen fidiyay, Oon ababintiisaba la barin talo asluubaysan,

Anshax sugan haddii aan la barin iyo akhlaaqtoosan, Anbashiyo anguugyiyo habaw iyo afduub mooye, Miyuu ubadba naga dheefayaa dhaxalgal aayood leh?

Iskuuladu waxay bari haddaan aragti loo yeelan, Manhajkana afayn iyo habayn iinnta laga dhowrin, Oon bare aqoon iyo karti leh baridda uu oogin, -Wax asluubta toodiyo la hubin aabbonimadoodaHaddaan laga ilaalinin ilmaha bare akhlaaq waayey, Ilmahaan dhalaynaa ma helo aayatiin qumane, Abidkii-ma-kore buu ahaan mana idlaadaane, Anfac libin waxaa beeri kara waalid uur nugule, Hadduu ubadka hooyiyo adoo aad u wacan yeesha, Abab toosan aabayn san bay ku aflaaxaane, Anshax-xumada oo idil haddaan aqalka loo diidin, Danbiyadana aan laga abhinin iiqa iyo ceebta, Aflaggaada iyo caay haddaan eray xun loo diidin, Oon aqalka nabad looga dhigin iyo ardaagiisa, Haddaan ubax jacayl iyo wanaag laguba uur-beerin, Oo aan turaal lagu anqarin aayar iyo aammin, Ma arkayno nolol aan ahayn aafo iyo hooge, Arrin xumada qaarkeed kadaran guri abaareede, Ummaddiis ma hago ruux hadduu aragti waayaaye, Aqoon liidu duulkay heshaa ma anbaqaadaane, Iftiin maleh awood maleh ma aha aammin gurigiiye, Arxan maleh anfaca loo xishiyo ilo barwaaqeede, Ilxumada jahligu uu na baday waynnu aragnaaye, Adyad iyo xumaantii ka timid waan ogsoon nahaye, Arligeenni waa kaa dumoon alaladeynaaye, Asqawyoo dadkeenii wakaa ooman oo qadaye, Arkaantii jahliga oon la dumin ma istareexaane,

Ummaddaha cilmigu uusan hagin ma aflaxaayaane, Abidkood ma gaaraan dadnimo aayo iyo guule, Tartamada adduunyada ka jira maba awoodaane, Orod maaha hawshuye caqlaa lagu aloosaaye, Orod maaha hawshuye cilmaa lagu iftiinshaaye, Orod ma aha howshuye murtaa lagu adkeeyaaye, Dadkaan wada ordaayeen lahayn aragti meelgaarta, Oo aag intay wada xirteen gaajo la abaaday, Arrintooda oo idil ku xiray waxaan imaan doonin, Abidkoodna aan sahan ku tagin aradka loo guuray, Ku ag-nool barwaaqada haddana wada abaaraysan, Ilahaa biyaha ee qulquli kuma arooraane, Awood malaha saa meel xun bay ka anbaqaadeene, Itaalkeena waxa saa ka dhigay waa aqoon-xumo e, Waa alif bilowgii ka dhumay oona la ogayne, Waa gole mid aan soo aflixin diin abaabuliye, Waa ubad ninkii korin lahaa uu ajalayaaye, Wax kastoo awood siin lahaa laga ilaalshaaye

03 Allow sahal Ummuuraha! Geeraarkani dhacdo gaar ah kuma imaanin, wuxuuse ka dhashay dhibaatooyin badan oo iga horyimid intii aan ku soo noqday dalkayga soomaalia oo dagaal sokeeye diirtay geedkiisii iyo dadkiisii iyo xoolihiisii iyo cimaladiisii, marar badan waxaan dareemi jiray dhibaatooyin xoog badan oo laga wadiwaayay shaqooyinka dalka, ama khatar ku ah dadka shaqooyinka wadaniga ah isu taagay, markaasoo kale waa in aad miciinsataa QAADIRKA oo aad tuugtaa in uu kuu fududeeyo camalka shartana kaa xijaabo.

Ilaahii nebi Aadam, Asoon aabbo la sheegtiyo, Uurka hooyo adeegsan, Onkoo ciid ka abuuroow! Ku arsaaqay itaal iyo Aqoon aan cidna haysan Egguu wehel uba baahday Ahaysiiyay Xawaa oo, Ka abuuray jirkiisow! Awood buuxda u siiyay, Inuu uunkani joogoo, Milyaaraad ka abuurmo, Adigaan ku baryaaye, Wax kastaabo awoodee, Eebbow yaa Illaahow Igu toosi aqoonaan, Abshirtaadiyo khayrkiyo Aqbalkaaga ku gaaro!!! Ilaahii alkumaad iyo, Abuurkayga ka yeelay, Uurka hooyo dhexdiisa, Aqal aan ku nastaa iyo, Garoon aan ku ordaa iyo, Agan aan ku dabaashiyo, Oksijiin aan dhammaan iyo, Arsaaq aan is-dhimaynin, Awoodiis igu siiyoow! Igu aadi wanaagoo Abshirtaada isiiyeey

Allahii i abuuroo, Lafahayga adkeeyoo, Ku dadoo ku dahaaray,

Hilib aan la arkayn iyo, Harag ooga daboolay, Ka ahaysi jirkaygoow, Igu aadi wanaagoo Abshirtaadasiiyee Ilaahii i abuuree, Aragayga wanaajiyee! Maskax aad u shaqaysiyo Albaab aan la marayn iyo Aqli ood uga yeelow Ku ilaalshay sirtaydow Adigaan ku baryaayoon, Albaabkaaga is-taagee, Igu aadi wanaagoo Abshirtaadasiiyee Addeec aad aqbashaa iyo,

Gefefkood iga mayrta!!


Arrimahayga dhammaanna Mid uruusan ka yeeloo, Irrid khayre leh ku toosi!! Waxa aafo dhacaysana, Afaafkayga ka moos oo, Adduun noolol wanaagsan, Urshi khayr leh i siiyoo, Aakhirana raxmadaadiyo, Arxan iyo sad jannaad baan, Allow kaa sugayaaye, Eebbow ii naxariiso! Subxaankii i abuuroow, Ha i seejin wanaagga! Arimahayga dhammaanna, Istiqaamo ka yeeloo Irrid khayrka ku toosiye!

04 Koris wacan: Waxan socday jid ku yaalla Magaalada moqdisho, si' lama filaan ah waxaa iiga soo horbaxay tiro caruur ah oo ciyaaraysa maalin dugsiyadu ay furanyihiin oo asaagoodu wax barashada ku hawllan yihiin, waxaan is waydiiyay maxay noqon doonaan ilmahani mustaqbalka? Ubadkeena sharafta leh, Haddii lagu agaasimo, Aqoon iyo wax garashiyo, Anshax iyo asluub sax ah; Ebyoon oo dhammaystiran, Markaasay awood heli, Oo ay kobac idlaan oo: Iyagoo itaal lihi: U adeegi beledkoo, Aabbo iyo hooyana, Abaal marin sarraysiyo, Ixsaankooda joogtayn, U halgami dalkooda e, Ilmihii hannaankaa, Adag lagu barbaarshaa: Aflax bay ahaadaan, Abidkood ma hoogaan, Sharta kuma arooraan, Ilmihii iftiin iyo Aqoon lagu barbaarshaa: Albaabada wanaaguu, Illaahay u wada furi, Ijaabadiyo khayr bay, Ku abbaari noloshoo, Aqbal Eebbe bay heli,

Ubadkii iftiin iyo, Asluub iyo hannaan saxan, Aqoon lagu barbaarshaa: Akhlaaq loo bogaa iyo, Waxay yeelan edeb oo, Anbaqaadka noloshuna, Aayadaha Quraankiyo, Axaadiista nebiguu, Aaddanaan ku socon oo, Iftiin haga ka dhigan oo, Asaxaabti Nabiguu, Alab iyo dabiicadi, U ekaan ku dayashoo, Markaasay aflaax iyo, Noqon ubad haggaagoo, Eebbaa hanuunshoo, Abidkood ma hoogaan Sharta kuma arooraan! Ummadyahay dhammaantiin, Indhihiinna wada fura! Awooddiinna oo idil, Ubadkiinna saaroo, Tarbiyada adkeeyoo, U halgama carruurtoo, Ubixiinnu yuu dharin, Oon oonku wada dilin, Abuurkiinnu yuu bi'in, Ooy inkaar innagu dhicin! Iyo aafo aan bixin Abidkeedna lana socon

05 Dugaag deris ma leeyahay?

Sanadkii 2010 dhexdiisii ayaa aniga iyo macallimiin Jaamicadda Moqdisho ka soo safray Boosaaso meeshaas oon ka soo gudannay shaqo Jaamicadda ku saabsanayd,jidka dhiniciisa ayaa waxaa istaagay wiil war intuu qaatay ul dheer ayuu na soo shiishay sidii nin dagaal ku jira oo dad laynaaya.! Waan gabaday baaabuurkii ayaan isku dhextuuray, war ka gabada rasaasta ayaan ku iri Macallimiintii!, markii la yaabay aan u jawaabay saaxiibaday oon ku iri: Waa gu' iyo laba intuu gabankani Gaari meel uu Wax gumaadee ka'gabada hooy!

(Dugaag daris ma leeyahay)


munaasabadaa ay ku timid, ee ku soo dhawaada. Dadnimadu wuxuu rabo cunagani wuxuu arkay ayuu samaynayaa ee ha layaabina, gabaygan(Dugaag waxay tahay, Dareen iyo xilqaadnimo, Kuu diidi xumaha oo, Danta guud u geyllami, La dagaali dulankoo, Daawayn dhibaatada, Dadka qaar sameeyaan, Dadnimadu waxay tahay Dareen iyo xilqaadnimo Sidii roob da'aayoo Webiyaal durduri oo Dadku ay ku noolaal Aad daa'im noqotaa Adigoon ka daalayn Dadnimadu waxay tahay Dareen iyo xilqaadnimo

Inta dunida joogtaa Sida dalaga noo baxa Cimilada dalkeenniyo Duur joogta oo idil ay kaa dareemaan Mid danayn inaa tahay Dantoodana ku hawlloon Darsigani wuxuu yahay Mid diinteennu sheegtoo Daliilkeeda lagu qiray Ha yeeshee dadkeennii Duruuftuu ku noolyahay Dabciguu la soo baxay waxay dmisay dawrkii Dadka lagu aqoojiray In badan waxay ka doorteen Dugaagnimo xil aan mudan Dal fog baan ka imidoo Dubkoodaa i hoday oo Dad waxaan u hawstaan La soo dagay anoon garan Doorsoonka yimid ee Dugaageenni badiyee Dadkii bahallo loo rogay Dugaagaan aqoon jiray Isagaa wax dili jiray Difaacana midayn jiray Isna wuu is dayn jiray Dugaagaan la noolahay, Wuxuu doorshay dhaqankii, Bahallada wax dilijiray' Dagaalkooda waxa dhala

Dareen baahiyo quro ah Dugaagaan la noolahay, Ma daaweeyo gaajee Dilka yaa u jeeda ah Inta dayrka kula nool, Ama daaqi daafaha, Wuu dili dhammaantood Isagoon u kala dayin Kee hilib ku deeqsiin Oo dabooli baahida Dugaagaa iscunayee Inta kalana deertee Wax kale aan danaynayn Dulmigiisa joogtayn, Miyaan weli dugsanayaa, Oon daris ka dhigan kari Isagaa is-wada dilay, Kala diday intuu yahay, Dibadaha u kala qaxay, Oo duulba duul kale, Dabinada u qooloo, Dhib yaraan ku daateen, Dammaashaa intuu dhigay, Durbaan iyo ciyaar tumay, Ku dig leeyay maydkii, Dabkii buu dhakhsa u shiday, Hilibkoodi buu dubay Cashadoo diyaaruu,, Dulmeer wuxuu ku soo maray, Duunyaday lahaayeen, Beerahay diyaarsheen, Waxay daaro taageen, Farax buu la duuloo, Daawashad wuxuu helay,

Kolba qaar dayaayuu, Dabin uu mar hore dhigay, Dadka uu ku layn jiray, Dulmi waa musiibee, Yay luqunto dalaq tiri, Waxba kama danbaynoo, Baahi buu dareemo , Mowd baa ku soo dagay, Hareeraha markuu dayay, Dadkiisii ma uu arag:, Dugaagi la noolaa, Dariskooda doorbiday, Durba waxay ogaadeen, Duruuftiisu siday tahay, Dagaal baa dhix maray oo, Anaa diiran hilibkiis, Isku dilay anaa cuni, Dooduu dhagaystoo, Wuxuu yiri dogaagow, Anigaa is-dilayoo,

adkaygiina madhiyoo, Dugaagnimo ka doortoo, Daris beena qaatoo, Cidla dayr ka ootoo, Naftaydii ku daayacay, Dabinadii aan taagaa, Mid ka mid ah idilayaa, Idinkuna dugaagyahow, Ha isku dilina hilibkee, Dhib yaraan ku daaqoo, Damankiina buuxsada, Dadkii aan ahaan jiray,

Dugaagnimada ka hor baa, Fariimahan u dirayaa! Danbigayga waan qiran, Inta iga danbaysaay, Ha ku dayan waxaan falay! Gacalkana ha daayicin, Dariiqaygu waa halis, Ninkii dilay walaalkii, Isna kama danbeeyoo, Darxumuu u dhiman oo, Wuu daba galaayaa, Duunyadna dhammaanteed, Midna dheefsan maayoo, Dugaag baa dhaxlaayoo , Ku diglayn barwaaqada, Iyo maadhkan soo di'i, Dadkii aan halaageen, Aakhiro u dirayow, Dugaag daris ma leeyahay, Duruus badan markaan maray, Dib u eegay waxa dhacay, Dadkaygii dhammaantood, Dalkaygii kuwii gubay, Dadkaygii kuwii cunay, Duunyadoodii kala diray, Dalagoodi wada gubay, Iyagii is wada dilay, Kuwaasaan dugsanayaa, Dayr kula jiraayoo, Dadnimana ka sugayaa, Daaimoow Ilaahoow, Dulmigooda naga qabo!!! Dugaagnimada baabi'i

Dalka nabad u soo celi

Ummaddaha maxaa haga?


Anoo soo arkay dood ku saabsan sidii loo horumarin lahaa hannaanka loo gudbiyo cashirada cusub, loo toosin lahaa, loona tayaynlahaa wax barashada sare ayaan dhagaystay dad soomaali ah oo ka murmaaya siday u qaybsan lahaayeen manaasibta dawladda, iyo reer walba intuu helilaahaa. waxaa yaab lahaa in aan marnna la isdhihin yaa mudan oo karti u leh manaasibta lagu dagaallamaayo oo keentay muran badan. (Ummadaha maxaa haga) dareenkaa ayaa igu dhaliyay. Libin-doon adduunyada: Waxa oratan yaalliyo, Tartamada awoodoo, La abaabuloo badan, Inta kuba adkaataa: Asalkooda yaa haga? Beddel-keen adduunyada, Aqoontaa asaas u ah, Ummaddaan cilmigu hagin, Awoodeedu waa goof, Itaalkeedu waa dhicis, Masuul eber ah iyo nacas, U qalmeynin taladay, Ka yeelani ugaas oo, Markaasay inkaar dhici! Iyo aafo qaab daran! Arrintuna is daba mari Ilmahaan iskuulkiyo, Abab-siin dugsiga tagin, Oo aan tacliin baran,

Abidkiis ma tabargalo, Ummaddana wax uma taro, Intaa kuma ekaadee, Mar hadduu aqoon qabin, Aalaa waxaa dhicin, Qofka inuu ahaadaa, Inkaar-qabe abaabula: Asaayiyo xumaan iyo, Arrin aayatiinkii, Adyad iyo dhib reebtee! War hooy taa ogaaw oo, U adeeg waxbarashada, Aqoon laga ma maarmoo, Waa asaaska noloshiyo, Albaabkeeda sharaftiyo, Illinkii karaamee, Dadow taa ogaadoo, Isugeeya tamartoo, U adeega ummaddoo, Aqallada waxbarashada, Dugsiyiyo iskuulaad, Alkumoo aduudoo, Orodkii waxbarashada, Abid habo ka daalina!

06 Afarrey ma reebbana: Sxb Moxamed Axmed Ilkacase kaftankaa quruxdasan oo tiri: Dr. Cali afarrayda miyaad iskudaydaa? Wuxuu igu dhaliyay jawaabtan oo su'aaliheedu mararbadan la i waydiiyay suugaanta waxaan ka qabo? Taasood moodid in dadka qaarkii ay diidan yihiin suugaanta in loo adeegsado waanada,wacdiga iyo khayrka oo laysu gudbiyo. Suugantu waa hanti, qurux iyo awood aan leenahay. Saaxib afarraydan adaa igu soo riday, waa hadiyad ee iga guddoon saaxiibkay Ilkacasow:

Afarrey ma reebbana: Haddaan edabta laga tagin, Oo laga ilaalshaa, Aflaggaaddo iyo cay, Uunkana wax loo dhimin, Islaamkana la daba marin, Afarrey ma reebbana! Afarrey ma reebbana! Waa aalad xoog badan, U adeegta khayrkiyo, Anshigiyo wanaagoo, Aqoontana u kaalmayn, Afarrey ma reebbana, Waa agab filweyn oo, Udgoonow rasuulkii, Asxaabi faray oo, Ku afuuf Xasaanow, Uunkii inkirayoo,

Iimaanka diidoo, Afxumeeyay Nabigana, U adeegsa maansada, In dacwada islaameed, Ay gaarta uun badan, Afarrey ma reebbana, Waa dhaqan asiil oo, Haddii loo adeegsado, Illaahey siduu rabo, Ajir laga helaayoo, Ummaddana anficiyoo, Ilmahana wax tariyoo, Afkaartoo u korartiyo, Afki hooya ubad bari! Ilkacase walaalow, Adaa igu abuurayoo, Iga keenay alifkane, Inta diidan oo idil Afarreydan gaarsii Adigoon halmaamayn Islaamkeennu inuu qiray Oo loo adeegsaday Hawlaha idaylkood Ibnu aadam loo diray Afarrey ma reebbana! Ummaddeenna gaarsii, Asal sharaf leh inay tahay Afarrey ma reebbana, Ku aadaan intaad kari, Mar hadday anshaxa korin Afarrey ma reebbana!! Ayay baa ku heestoo,

Ubadkay ku korisaa, Ilmeheenna oo idil, Jacayl ugu abuurtaa, Afarrey ma reebbana,

07 Rajaa nolal ah: waxay ku timid tixdani seeko dhex martay aqoon yahan soomaaliyeed kuwaas qaar ka mid ah ay ka muuqatayquus iyo rajo li'i Rajadu waa iftiin iyo, Ilays u leh ahmiyad weyn, Adduunyada in joogtoo, Aadmigu ka koow yahay, Nimankii agaasimay, Xoriyada irmaankooy, Ummaddeennu maashaa, Dhalinyaray ahaayeen, Fekeroo is-aaminay, Raja adag lahaadoo, Orday oo dhaqaaqoo, Waajibkooda oogoo, Aloosoo agaasimay, Talis ummadda toodiyo, U adeega shacabkiyo, Ebyoon dowlad kaamil ah!

08 Aamiin innoo dhaha!


Bartamaha sanadkii 2011 ayay abaar culusi ku habsatay dalka soomaalia badankiisa, dhimasho aad u wayn ayay gaysatay,iyo bara kac saameeyay gobalada goonfureed badankooda,taasoo keentay boqolaal kun inay ka tallaabeen xududka dalka. Maansadan(Aamiin innoo dhaha!) waxay ku timid munaasabadaas ee ku soo dhawaada: Illaahayow awoodlow, Noo sahal amuuraha, Dhibta aayar naga qaad, Ololaha colaadiyo, Abaaruhu ha suuleen! Naxariis idaylkeed, Arligeen ha laga helo! Danbiyada aruuree, Aafadu ka dhalatee, Arligeenna wada gubay, Ummaddeena kala dilay, Ilmo nabad ku waayeen, Iyo odayo tabardhigay, Adigaa awoodee, Eebbow inaga qaad! Eebbow Illaahow, Adigaa awoodee, Ibtilada na haysiyo, Imtixaanka naga qaad! Inta maqasha ducadaan, Ha aqbalo Ilaah iyo,

Aamiin innoo dhaha! 09. Kuwii aan cilmiga baray! Tixdan waa dhaliyay shiikooyin na dhex maray aniga iyo barfasoor Abdi ismaaciil samatar 2008 oo ku saabsan dalka soomaalia iyo dad laaanta haysata, maxaa yeelay dadkii wax u bartay badankoodu xilba iskama saaraan dalka iyo dadka, waxaa aad ii dhaqaajiyay maalin u barfasoorku aniga nabadgaliyadayda uu ila soo qaaday, taasoo xusuus igu reebtay, anoo tabaaya kumanaanka wax bartay een dibba u soo noqonin, oo nolashoodu ku dhammaan meel aan munaasab u ahayn. Cabdi Samatarow! Codka iyo dareenkaad, Cabsidiyo halistaan, Cali ahaan ku suganahay, Cabbirtood ku sheegtay Ciidduba maqlaysoo, Cod in ay ka dhiibtoo, Kuu caddaysa xaajada, Codsatayoon u daayaye, Cabdi Samatarow maqal: Ciiddii waxay tiri: Cabdiyoow markaan dayay, Kuwii aan cilmiga baray, Candhadeyda nuugoo, Naaska caanahii jaqay, Canshuurtii dalkeeniyo, Ceeshkiisa quutoo, Cabbayoo ku tabargalay: Waa calaf la'aan ee, Cawadaan u baahdoo, Caymin iyo kalkaal rabay, Caqli may la iman oo,

Wayba iga carareen! Colaadii markay timid, Uuskii calooshiyo, Ceebuhu dilaacayn, Odayaal ciradaloo, Cad noqdoo wax karin iyo, Carruur iyo in tabar daran, Oon carar kareyn mooy, Curaddaan korsadayoo, Caymis aan ka dhowraay: Wayba iga carraabeen: Oo iima ciidmine, Cararay daneeyeen! Caati iyo maatana: Cidlay kaga dhaqaaqeen, Ciiddiyo dalkoodana, Cadow bay u loogeen, Markaasay cawiif iyo, Dhulalkaa caddaankiyo, Carli kale u dhoofeen, Cabdiyoow markaan dayay, Caaqnimada toodiyo, Siday iiga carareen, Cuqaashaan wax soo baray, Aad baan u cajabayoo, Cirkaa ila wareego Caro iyo culays iyo, Cataw baan dareemoo, Ciil baan meel la jiifaa! Ciidda hadalkeediyo, Cabdiyoow jawaabtuu, Dalka adiga kuu celi, Haddaan kaba carraaboon,

Cashar kale u daadago: Siday ciiddu sheegtooy, Carrabkeeda marisiyo, Cabdiyoow kolkaan dayay, Carligeena baay oo, Cawaantidu ka talisoo, Cilmigii ka guuroo, Caqli haga ka suuloo, Cidna nabad ku haysanin, Markaasaan cajabayoo, Cirku ila wareegoo, Caqligaygii aan tabay, Waxkastoo cilmigu faray, Ama uu caqligu yiri, Ama dunida caanku ah, Culimo iyo caamaba, Dhammaan waxaan cilcelina, Inuu noo cuntami Karin, Markaasaan cajabayoo Cirku ila wareegoo Caqligaygii aan tabay, Cashiradan xumaadoo, Ceebahoodu muuqdaan, Ayaa ciil i badayoo, Cidlanimo ayaan tabay, Waa cuddud la'aantaas, Cidna talo ku siinayn, Casiisoow Ilaahoow, Cidna maysan weli garan, Cashiradii la soo maray, Culayskay lahaayeen, Ceebihii ay reebeen, Cuduraday talaaleen,

Cidna maysan weli garan, Caabooni iyo talo Cudud la isugeeyoo Cilmi toosan lagu wado Yaa ceebta naga dhaqi Hogaan aan caburin hanti cunid dan guudoon Hawshana cidlaynayn Halgal nimo ku caan baxay Yaa ceebta naga dhaqi

10. Hoggaan caafimaad qaba: Tixdan wuxay ka timid su'aal wiil soomaaliyeed oo ka mid ah qorba joogta: Wuxuuna yiri: Sidee loo heli karaa hoggaan toosan? Hoggaan caafimaad qaba, Cidna kuuma haysee, Caqligaaga kaashoo, Cilmi suganna kaydsoo, Carruuraha ha daayicin! Si bal ciribdanbeedkii, Cimlaaq talo yaqaan iyo, Hoggaan caaqil loo helo! Carruuraha ha daayicin! Waa cudud koreysoo, Haddii laba carbiya oo, Loo caloolnuglaado, Cilmi sugan la bara oo, Ceeb iyo xumaan iyo Ciil laga ilaaliya, Hoggaan caafimaad qaba,

Casar laga helaayee, Carruuraha ha daayicin!

11. Hummaag culimo


waxay ku caan bexeen culimada soomaaliyeed u adeega wax barasha,Ka hortaga dagaallada, heshiisiinta beelaha islaaya, iyo axkaamta kulinteeda, waxaa ka reebanaa ka qayb galka dagaallada dhexmara reeraha ay ka soo jeedaan. Nasiib xumo ayaa innagu sintay in la arkay rag badan oo labbisan dharkii lagu yaqaannay culimada, oo waxna ka yaqaanna diinka, Fakooduna uu yahay dagaal joogta ah oo keenay dhimasho iyo burbur aan horay loo arkin loona maqal. Way isukay qabanwaysay, sidaas ayay iigu soo dhacday maansadan(Hummaag akhyaaree

culimo) ku soo dhawaada

Cabdiyoow markaan dayay, Hummaag culimo duulloo Caashaqay adduunyoo, Naxariis ka caagoo Cabsi Eebbe qabinoo Cid walbana dhibaatayn Arkay duni cakiranoo Madax ciida loo daray Caguhuna kor aadeen Yaa caawimaad iyo Caqli kale aan dayday Cabdiyoow markaan dayay, Hummaag culimo duulloo Calmashaday siyaasaan' Cashirkeed la baran wali'

Cilmi khalad u fidiyoo, Beentu caadadood tahay Boolida cantuugoo, Xaaraanta cuniyoo, La coloobay diintana, Yaa caawimaad iyo Caqli kale aan dayday Cabdiyoow markaan dayay, Hummaag culimo duulloo Ciidan wada samaystoo, Cid waliba cidii kale, Casarkii ku duushoo, Cishihii markay tahay, Cunid uun la soo dilay Ku camiran wardiga oo, Hilibkooda ku cashayn, Yaa caawimaad iyo Caqli kale aan dayday Cabdiyoow markaan dayay, Hummaag culimo duulloo Caqli meel fog kaga yimid, cashirkii islaamkee Ku caanbaxay bishaarada, marna aan ku camal falin Cadaalana aan fulinayn Xikmadaha cilmu dhalay Cid kale aan ka yeelayn Yaa caawimaad iyo Caqli kale aan dayday Culimo iyo caamaba Carruur iyo dadwaynaba Codkoodii la maqlayo Caqli may la iman wali Ceeb iyo dhibaatuu

Ku caan baxay falkoodii Wax kastoo cajaaiba Iyagaa ku caan baxay Oo abuuray cudurata Carligeenii saaqdee Cidna ay ka nabad galin Waa calaf la'aantee Cadaaladay celceliyaan Cidna maysan weli arag. Calankeedi lama surin Caalamkii yaraystoo Cidla yay durduriyeen Culimada runta ah iyo Khubarada cilmiga ee Garashada ku caanbaxay Codkoodii ma meel marin Cidba maysan wali maqal Diinkii ku caan baxay Sinnaan caalamkeennee Ku cabbiri xuquuqdiis Isagoon cabsoonayn Caddaaladu ay hagi Yaa meenta ceeb loo Dadku ay ka cararaan Diinkii ku caan baxay cilmi aan xuduud qabin Diimuhuna celin karin

Ceebaha ma tiriyee Culimadii maxaa helay Caqligoodii dhumiyoo Cadawgii u aadeen

Carligana usiiyeen Isagoon cishuhu galin Cidna wali iswaydiin

12 . Caqli dhab ah ILAAHOW! Gabaygani wuxuu ka dhashay Booqasho aan ku tagay Xeryaha qaxootiga ee ku yaalla Dagmada Dadaab anoo la socda dhallin yaro ka tirsan Jaamicadda moqdisho oo curmad ugu yimid dadkooda tabaaloobay oo kumanaan ka mid ah abaaruhu xasuuqeen 2011markay ku habsatay gobalada koonfureed ee soomaalia abaartii qallafsanayd. Taasoo ka dhalatay colaadaha ka oogan iyo hogaan xumo joogto noqotay iyo burburka taagan, markaan arkay boqolaal kun oo il geeriyaad leh oo daadsan kudaha dalkeenna iyo dibadiisaba ayay igu soo dhacday afaraydan (Caqli dhab ah Illaahow!) ee ku soo dhawaada. Caqli dhab ah ILAAHOW na sii, caadil baa tahaye, Carligaan ku nool nahay ka yeel, cimilo khayrnoo le, Iyo goob cibaadiyo samaan, la isku wada caawin, Oo ceebahaa sharafta dilay, aan ka wada caagno, Colaaduhu wixii ay dunsheen, ciilna nagu reebay, Amaan cudud u waayniyo dadnim, la isku wada caawin, Oo calanka iyo dowladii, la isku ceebeeyay Allow caafi boogaha ciyoow caadil baa tahaye, Awoodaha cilmiga ee runta ah, caaqibiyo aayo, Ciyaar kuma timaadee dadaal, culus ayaa keena Carruurtu ha ku toosaan jidkaa, ceebta laga madhay, Allow nabadi soo celi tagiyo calanki noo yaallay, Cilmigii quraankiyo wuxuu nebi carfoon sheegay, Cashirada sharcigu noo dhigaa,calaf wanaag keeni Cirrooliyo dadkoo idil ha mara, hilinka caabboone,

Caasinimo dhibteed aragnay iyo, mahadho ceebeede ALLOW nabadi soo celi tagtiyo, calanki noo yaallay Cadli madax leh Eebbow na sii iyo cuddoonaane, Oo calanka muuquu lahaa maalin soo celiya, Dilka iyo colaadaha Allow, cudurka daaweeya Cadaalada hadhkeedana Allow nagu cashaysiiye, Cafis iyo walaalnimo Allow caadi loo hela e, Caqli dhab ah Ilaahow na sii caadil baa tahaye!

13. Dhabba toosan: Dhagax iyo labay kala yihiin, dheeman dahabkiiye, Dhabta iyo labay kala yihiin, male madhaafaane, Dhunkaashiyo labay kala yihiin, Dhayda xooluhuye, Dhukaan iyo labay kala yihiin, geel dhammaysterane, Dhabbe iyo labay kala yihiin, kayn dhir qarisaayee Dhagar iyo labay kala yihiin,nabad la dhowraayee Kala dheer cilmiga kii dhunbaday, iyo dhegnuugaale, Dhulka oo cagaar lagu xardhoo, dhaanto tumanaaya, Ha isdhihin abaar kay dhibtaad, meel la soo dhigiyeye, Dhaqan khalad ah hawl lagu sarjaray,Waa mid dhicisow ee Dhanka guusha inay soo martaa,waa mid aan dhicinee Dhalashadu waxay ka askuntaa,guur markuu dhaca,ee Dhoodhoof la'aan ruux ku galay,meel dhib iyo hawd le Cagta meesha uu dhigi ogayn, waxay dhib keenaysoOon garan dhankuu socod u rabo, sow mid dhumay maaha Dhalintaa wax baranaysa ee, dhididka saydhatsa

Dhammantoo tartamayoon marnaba,cashrku dhaafaynin Dhab midkaynan ka ahayn arini, sow ma dhacay doono Dhallaan aan tarbiyadiis la sixin, dhaqanna loo toosin Oon xoog dhammaystiran la galin, Dhaadid iyo fiiro Ka dhursugi kuwii dhalay ayaa, dhabnna hays keentay Dhabba toosan waa kuu Ilaah noo dhiluu qoraye, Oo lagu dhammaystiray waxyigan, dhaafin meel qudha'ee, Dhabtii oo qayaxan buu la yimid dhawranow nebiye,

Dhaqankii Islaamee isaga noogula soo dhiibay, Dhan walboon ka eegnaba ma laha dhinacyo ceebeede, Dhan walbood ka eegtaba wanaag dhalanki waa kaasee, Dhalanteed ha moodine ku dhaqan kuna dhag diintaane, Dhammaantiina wuu wada socda ways dhammaystiriye Ruux aan dhammaantii aqbalin dhinac hadduu qaato Dhib waxaan ahayn kama maree wuu isdhaawiciye, Markii lagu dhaqmay diintu noqon bado isdhaafaaya, Ooy dhaqi nijaasadan dhulkii,dheehday oo qarisay, Waa hawl dhammaanteen na sugi dhowrashana beeshay, Dhaqaaq iyo waxay naga rabtaa xoog dhammaystirane, Oo dhinac ka soo jeeda oo dhiirranoo qumane,

14. UBADKEENNA SHARAFTA LEH ma xusuusto sababta igu dhalisay maansadan, . waxay ku saabsantahay qaabka loo dhisi caruurta iyo xiriirka ka dhexeeya dadaalka aan ku bixinaynno ilmaheenna iyo mustaqbalka siday ugu adeegayaan gurigooda bulshadooa iyo umadooda, waa marka lagu bixiyo dadaal u dhigma intaas Ninkii beer abuuraa Awooddiisa oo idil

Markuu aaga galiyuu Waardiye adkeeyaa ALLA barina raacshaa Ilmahaan dhalaynaa Wuxuu noqon ilays iyo Xoog aan idlaanayn Haddii lagu agaasimo Aqoon iyo wax garashiyo Edab dhaxal gal oo sugan Markaasay awood heli U adeegta noloshoo Aabo iyo hooyiyo Inta baahan oo idil Axsaantooda joogtayn afkaar bay la iman kari Arligeenna wax u tari Marna aan aqbali karin Umadeennu say tahay Abidkood ma hoogaan Sharta kuma arooraan Haddii ababintoodaba Wanaag lagu anqariyoo Istiqaamo lagu wado Albaabada wanaaga ah EEBBAA u furayoo Ijaabadiyo khayrkiyo Aqbqlkiisa yuu siin Akhlaaq iyo wanaagiyo Anshax iyo asluub badan Yay heli awoodeed Aayadaha Quraankiyo Axaadiista NABIGAA

Aragtidooda wada hagi Asaxaabtii nabigiyo Awliyada jidkooday Iftiinkooda ka helaan U danbbaysta racaan EEBBAA hanuunshoo Albaabada wanaagana Abidkood ma seegaan Ummadyahay dhamaantiin Indhihiina wada fura Awooddiinna oo idil Ubadkiinna saaroo Tarbiyada adkeeyoo U halgama caruurto Ubixiinnu yuu dhadhin Oon oonku wada dilin Abuurkiinnu yuu biin Umaduna la baabin ---------------------------15. Yaa ceebta naga dhaqi? Dhammaan doodaha aan maqlaynno waxay u bateen in la is eedeeyo oo ruuxa hadlaayaa u isbari yeeloo dadka kalana eed dusha ka saaro taasoo keentay masuuliyo la'aan guud. Tixdani jawigaas ayay ku dhalatay oo waxay cabiri hogaan xumada aan dhex jiifno maanta. Casrigaan ku noolnahay Iyo caalamkaa wayn Cududiisu xoog tahay Caqligoodu tabar galay Iyo caawa saannahay Yaa ciil ibadayoo Cillad iyo dhib igu rida Xubnahaygu Cudur male

Cabsi gaar ah maan tabin Hadana ciil ma seexdoo dhib culaysa yaa jira Caafimaadka halis ku ah Carligeenna gubi kara Cuqaal iyo wax garad iyo Culimiyo in sharaf badan Ayaan caawa tabayoon Cudud iyo awood biday Ha ku caawiyeen idhi Suaal aan celceliyaan Cid walbaba u dirayaa Aan ka caafimaadoo Culayskeedu iga dago Igu caawi saaxiib!! Culaadiyo dhibteediyo Diin lagu ciyaariyo Caqligoo lagarab maro Cidhibtoodi aragnaye Cid walbaba la kaashoo Iisheeg cilladan baas! Caruur iyo ciroolaba Dullibay cabeenoo Cumrigooda dumiyoon Cidna wali ka daawayn Calankeenni duugow Cidna ceebta kama biin Cudur daarna uma fidin Abaaraha dadkii cunay Cuduradan isdaba yaal Cidna may ka nabad galin

Culimada wacdiga fidin Diintana ku caan baxay Hanuun Cidina kama helin Aqoonyahanka caanbaxy Cilmigooda farabadan Dalka ceebta kama bixin Cidna kama Aflixin wali Odayadii caqliga iyo Cimrigoodu gaamuray Cisi sharaf lahaan jiray Calankoodu lulan jiray Ceebay dabaasheen Cidna uma talshaanoo Wax ka cayntay yaa yare Caqli toosan laga waa Dhallin cududa xoogiyo Wacyi caafimaad qaba Ciil kaga baxaayana Carligeena kuma badan Ciilna kaama daawayn Ceebahan burqanayee Carligeenna dhaawacay Cimiladu ka nabad galin Baahi iyo colaad iyoo Ciilkiyo dhibtaan qabo Cadowgaygu igu digan Cid walbay danteed tahay Hilibkayga cuni kari Cowradayda daawani Qosalkana celcelin abid Waxba yaana ciil iyo

Ku celcelin catowgoo Sidii aar cargaagtami Ciddiyaha ku fadhi dhagax Ciishooday noqonine Caruur iyo dad waawayn Dulligaa camimay waa Ceeb dhammaan innootaal Lagu mudan ciqaab wayn Haddaan Ciidan loo bixin Carligeenna laga dhaqin

16. Doodeey maxaa tahay?


qiimaha in la doodo ayaa bulshadeenna aad ugu yar, waalid in uu baro caruurtiisa in ay la doodaan dhaqankeenna kuma jirto, madaxda dowladana kaba sii daran, waa jidka kali talisnimadu ku soo dhuumato ama abuura, Dooday maxaa tahay waxay ka shanqarin jiradaa dhibteeda foolxumadeeda, meesha dhaqankaasi uu gaarsiin karo. Dayuuradaha duulee Dusha sare maraayaa Digtatoor ma keenine Dadaal la isu geeyoo Dood lagu saleeyaa Dariiqeeda lagu helay Dareenkoo midoobaa Dagaal lagu adkaadiyo Dowladnimada lagu helay Dumar iyo rag doodaa Dayr guri la taagiyo Danta guurka lagu helay Duul faham wadaagaa Darajada cilmiga iyo

Dayax gacmeedka lagu helay Diintoo la raacaa Dariiqii tashiga iyo Danbi dhaafka lagu helay Dadaal dhaxalgal oo run ah Dadkoo idil ka qayb galo Danta guud ka talin kara Darxumada ka bin kara Daawana u noqon kara Dood baa albaab u ah Dulmiyada isbuurtee Dalkeennii burburiyee U horseeday daayaca iyo mahadho daaim ah Dariiq lagu badalikaro dood baa albaab u ah Madax diida taladoo dadka aan tashi ba galin Maslaxana daryeelayn dadwaynaha xaqiis gudin Inaan duminno dhaqankaas Dhaawacay dalkeenni dood baa albaab u ah Inaan diidno kali talis Innagoon dagaal hurin Dadka xaabo uga dhigin U danayn wixii haray Ku dadaali nabadiyo Distoorkoo la raacoo Daadihiya howlaha dood baa albaab u ah

Dad xun baa hogaanshoo Dawgii ka leexshoo Duudsiyay dadkii hore Dadaalkay sameeyeen Iyo dowlad nimadii Lagu dhisay dareen mida Dadaal waxay ku bixiyeen Inaan doodu sii socon Hadalkuna danbi ba yahayn Dilkeesuna diyaar yahay Dariiqaa qalloocdaan Dulligiis jaqaynaa Midkaa dabinka qooleen Cidna diiday oran baa Xornimadeenni duugoo Uba diiday nolashee Inna baday darxumadaa Cidna aan dafiri karin da'yartiinna joogtaay dariiqaa ha qaadina Khayaanaa ku duugane Doontaa ha raacina Duul falan ayaa wada Marna aan dantaa rabin Dalka aniga yaalehe Waxaan dooni oo idil Ha iga diidin saaxiib Waxaan diido oo idil Gacmo diirran igu sii Anigaa dantaa garan Digtatoor ayaa yiri! Dadaalkiisa wayn iyo Halayaabin damiciis

Dad buu soo addoonsaday Nolashoodi daayacay Kumanaan ayuu dilay Daarahoodi buu dhacay Waxba lagama diidine Dariiqii fircoon iyo Faal baa daliil u ah Dulmi uusan wali galin Dunidaba ma soo marin Duulkuu la noolyahay Dareenkoodi wuu liqay Dadku intay gadoodeen La isku daray awoodaha Kaa diidnay kama maqal Dunidaba dhammaanteen wuxuu moodi daanyeer Uadeegi danihiis Marna aan ka daalayn! Da'yartiinna joogtaay Dadaaloo is dhaarsada Doodaha dhexdiina ah yaa daawo noqon kara Dadkiinana wax bari kara dalkiinana xorayn kara Dulligana ka'baabi'n kara Kuwa duminna qaban kara Dadka wada xorayn kara Dadnimada u celin kara 17. GURMADKA JAAMICADA MUQDISHO waxaan hubaa in ruux walbaa uu quudin karo mid ka mid ah dadkan dhimanaaya oo markuu ugu yaryahay uu dadka kale wax ka soo uruurin karo hadduusan jeebka wax ku haynin. Ama uu soo ducayn karo.

mahad ayaan idiin jeedinayaa dareenkeenna wanaagsan. Arintu se way ka wayntahay dareen qudha! Daaimow gargaar sii Dadkaygaa dulloobee Cidna aan danaynayn Darxumiyo dhibaatada Daleedaha la jiifoo Hilibkood dugaag cuni Iyagoo dareen qaba Naftu aysan wali dayn Gurmad dowlad kama helo Danqashiyo xanuunkeed Dad waynaa awood badan Iyaguna dadaal iyo Deeq may la iman wali Tani waa duruuf adag Dadku halis ku wada jiro Deeqdaa ALLOW keen Daawo taas ayaa noqon Dabcin maanta waxa yaal Halkani waa dugsigii maxamuud mire ee ku yaalay moqdisho. Aad u fiiri sida ay noqdeen ardaydii dugsigu, iyo tabaalaha ka muuqda, dadkan tuuran meeshanay waa arday cusub oo manta laqoray saacado kadibna way ka qalin jabindoonaan,halayaabin waxa isu keenay gaajo ka soo qixisay guryahoodii,waxay aad ugu faraxsanyihiin inay helaan raashin ay ku noolaadaan dhowr todobaad. Ardayda jaamicada moqdisho oo gargaarkan qayb ka ahaa waxay sheegeen inaysan marna filayn baabaa bulshada soomaaliyeed inuu heerkaa gaaray

18. Danba way iciidsiin

Sanadkii 2011 waxay ciida soon fur ku soo hagaagtay abaarihii oo wali ku rafanaaya dadkeenni, waxaan soo xusuustay in ay jiraan boqolaal kun oo ruux oon maanta heli karin dhar ay xirtaan ama cunto ay ku cunaan guryahoodii, maxaayeelay waxay daadsan yihiin jidadka, iyo darbiyada guryaha dadka kale, iyaga ayaan cabiraayay dareenkooda xanuunka leh, Facebooka ayaana in ka mid ah galiyay. tixdiina waa tan. Dadka baahan wuxu yiri Dareen ciidu ima solin Damaashanka kuma jiro Anigoon diyaar noqon Dantuba way i ciidsiin? Dulmiyadan isdabayaal Dulli aan dhamaanayn Oo DABINNO nagu riday Ayaa dilay dareenkii Dubku uu lahaan jiray Maskaxduna la daashoo La dakaamay xoogii Damaashadka ciidaha Ma danaynin sabanadan Durbaankeedi uma tumin Dirays quruxsan maan xiran Dadwaynow ma ciidbaa? Inay ciidu deeq tahay Daaim nagu mannaystoo oo soonka dabadii Dadku farax la iman kari Dadku wuu ogsoonyahay Hayeeshee dalkeennii Duruufaa ku yimidow Nolasheenni dumiyoo Dadkeennii inbadan baa Darxumiyo rafaad culus

Dariiqyaha la jiifoo Aan danaynin ciidaba Dareenkeedu maqanyahay Dantiibow run sheegtoo Madeeqsiiyo hadalkee Dadka wuxuu ku leeyahay DAMAASHAADKAN XOOGA LEH DURBAANKIYO SAWAXANKIYO WAXA UUN ISDABA DIDI DADKU WADA QOSLAAYAAN MADEEQDAAN SUGAAYOO DADKAYGII SIDAANBAA? MISE WAA DAN KALE OO DARAYNKAA DHAAWICI? OO DILI RAJADA IYO DEEQDIINNI OO IDIL

19. Dadku kala ayaan roon. Toban sano ayaan u qabtay in ay socon karaan dagaalada sokeeye iyo burburka dowladii soomaaliya maalintii rugta madaxtooyada ay bililiqaysatay USC. Ha yeeshee 15 sano ka dib ayaa waxaa ka dhacay magaalada moqdisho iyo meelo badan oo ka mid ah dalkeena hooyo dagaallo is daba jooga oon kala go' lahayn, markaas ayaan is waydiiyay meeshay wax u socdaan!( DADKU KALA AYAAN ROON)dareenkaas ayay ku dhalatay 2006 Marxaladdaas oo dib loo abuuray waji cusub oo dagaal, kaasoo mar labaad keensaday fara gali shisheeye, qax iyo burbur hor leh. Dadku kala ayaan roon Dib haddaan u eegnaba Diiradu waxay qaban Dilka iyo dhibaatadu Dadka way mideeyaan Duruufaha la soo maray

Dulligay abuureen Darsi bay u wada tahay Dibna loo halmaamayn Daris aadan rari karin Dantaadiyo dantiisuna Daarahan dhexdoodiyo Da'im meeshan ay tahay Dagaal iyo dhib aan harin Dulmi iyo qas joogta ah Daawo meysan wali noqon Dadku kuma heshiin karo Dariiq kale ma goobnaa Dadaal wacan ma dhiibnaa Oo daacad laga yahay Daw runa ma qaadna Dibna looga noqon karin Dilka mayska daynaa Danteennaa sidaa ahee Dadku kala ayaan roon Dib haddaan u eegnaba Diiradu waxay qaban Dunidaa tartami iyo Dalalkaa is wada cunay Dumin iyo qax soo maray Dadku waxay samaysteen Dadaal wayn ku bixiyeen Dab intay ku huriyeen Dulmareen wixii jiray Duul waliba duulyoo Dadkii ugu dhawaa iyo Dariskiisi buu cunay UU dumiyay noloshood Dantuu waa balaayee

Dood bay bilaabeen Dibna wayska waan sheen Dadaal bay sameeyeen Dadku waxay garaysteen Dagaal inusan khayr dhalin Dibna loo heshiin karo Daar nabada laga galo Dadkoo idil iskaashado Dulmi xariga loo jaro Nolashana dib loo saxo Dadkaygow macaanow Dacar malab katimidow Isagoon dan kala hayn Diin saxa ka leexdow Isagoo xanuun dili Diida caafimaadkoo La dagaalo daawada Dadnimadu siday tahay Dulli kii ka doortoo Danta guud xumeeyow Dagaal aan istaagay Dulucdiisa la aqoon Dariskii ku huriyow Kii dumiyay ceelkii Dadku wada cabaayeen Isagiina oon dilay Dantiisiyo wanaagabaa Darxumada ka doortow Dareen laawe dhumayow Dulmi xero ka yeeshow Dariiq toosan oo falan Dalku aamin uu yahay Halis dili ka doortow maxaa dilay dareenkii

Dadku uu lahan jiray Dariiq toosan lagu nacay? Maxaa gubay dadnimadii Dalka lagu aqoon jiray? Maxaa diiday marinkii Dadku wada jeclaysteen Duniduna ay haa tiri Diintuna ay qeexdoo Daliilkeedu marag yahay Oon dood aqbali karin Da'im baa ilaalshoo Lama doorin karo abid Dariiq toosan weeyoo lagu doorransiiyee Darbiyo aadan marikarin Ha kudiirin madaxee Dib u dhuux sidaa tahay Kala dooro laba aan Dadku wali masaynoo Midi waa darxumo keen Kula aadday meel daran Kaa dumiyay khayrkii Dadku kula jeclaayeen Dadaal toosan lagu helo Dariiq kalana waa kay Dadku guul ku gaareen Dulli kaga baxeenoo Nabad ay ku daaqeen Dalkoodana xasiliyeen Dulmigana ay diideen Dariskoodu nabad galay Dunidana aqoonsaday Inta dunida joogee

Garashadu ay daadihin Waxkastoo dulmi ahoo Dadkoodii ku kala tagay Daawaduu u baahnaa Dagaal lalama aadine Caqli bay ku doonin Dariiq kalana lama marin Taasay dan moodeen Dabar iyo hogaan u ah Maxaa diiday taladaa Umaduhu ay doorteen Dantoodana ku gaareen Dulli inaan ahaannaa Dilka iyo isboobkiyo Dabar koynta reeraha Dariskoon is aaminin Dadku kala qaxaayaan Oon la beerin dalagii Abaartii dilaacdaba Dadku wada dhamaadaan Dunidana la tuugsado Diinteennu ma ogala Duruuftaan ku suganahay Damiirkeenna way gubi Dadkuna wuu halaagsami Dalkana cadow ayaa dagi Mid danaysanaayiyo Diin laawe uu wado Duniduna ay hiil siin Dantu waa mid kaliyee Sideebaan ku doonaa Dadka loo mideeyaa Daawadeeda loo heli?

Dalku inuu hagaagoo Dib loo saxo wixii dumay Dadkoo meel u jeediyo dadaal wada jiraa qaban Oo doorta madax aan Dalka been ku maamulin Eexdana ka daahiran Danta guudna u halgama Oo diinta raacoon Distoorkana khilaafayn Dareenkii wax barashada Calankeeda daadihin Oo garan darxumadiyo Dulligiyo dhibaatada Dalka saaqday maalmahan Inuu yahay JAHLIGA dagay Dayrkii guryaha iyo Dugsiyada dhexdoodo Dhaqan beena laga wado Dhaawici tarbiyadoo Marna dhaxal gal noqonayn Madax dhaba samayn karin ----------------------------------------------------------------------------------20. SIDEED MADAX KU NOQON KARI? (A) Tartanka madaxnimada soomaaliya ayaa maalmahan aad u soo kululaanaaya, si isdabajoog ah ayay u soo baxaayaan magacyaal cusub oo ku soo biiri tartankaas.Waxaa igu soo dhacay inaan u diro fariimo gaagaaban oo tilmaamaaya daraynkayga ku abaaran masuuliyadaa culus.

Inaad doonto madaxnimo Danbi maaha aad gali Haddaad daacad tahay oo Dadka aad ku dhihi kari Wixii dumay dhammaan baan Dib ka soo dhisaynaa Adigooy dhab kaa tahay Dalka inaad ku daadihin Dariiqii amaanada Durdurkii cadaaloo Dadku ay ku oon bixi Dareen nabada ay heli Oo ku daaban xoogii Darbiyada xumaantiyo Dulmiyada iswada koray Noo diiday nolal wacan Dalkeeniyo dadkeenii Dagdag aad wax uga qaban Danta guudna aad hagi Oo daryeeli ubadkaa Darxumadu haleeshee laga dilay dareenkii Dadnimadu u baahneyd Loo diray xumaan aan cidna daawadeed helin Dadku waxay sugaayaan Madax dowladnimo garan Daafici dalkoodoo Dariiqay ku maamuli Cilmi darajo wayn iyo Daacadnimadu ay hagi Dadkuna qayb ka wada yahay

Dunidana heshiis la ah Darxumadaan ku noolnahay Dadka wada halmaansiin Oo ku hagi distoor aan Dana gaara laga rabin Dadkoo idil u simanyahay Caddaaladana deeqsiin Diintana khilaafayn ------------------------------------------------------------------21. Qurba joog xageed taha?! Maansadan waxaan tiriyay anoo jooga magaalada London aAbriil 2011. Waxaan dhagaystay dood furan oo ka dhacaysay makhaayad dhexdeeda, waxaa hadalka isujiibinaayay dhalinyaro aad wax u baratay oo dada afartameeyada maraysa, waxay isaga markhaati kacayeen dhibaatada ku haysata dalkan ingiriiska, markaan sii waydiiyay maxaad qaban rabtaan mustaqbalka, iyo inay noqonaayaan iyo inkale? Jawaabtoodu waxay ahayd inay si ku meel gaar ah ugu noolaan doonaan dalkan. Markaan waydiiyay maxaa keenay fikradan ku meel gaarka, maad si joogta ah u dagtaan, maxaase diidi arintaas jawaabtu ma cadayn. Waxaan ka xanuunsaday inay ku noolaan kariwaayeen dhulkay ku dhasheen dhibaato daraadeen, kii uhiiliyana ay ka qaxayaan iyagoon hubin meeshuu ku danbayn doono! Diyaarna u ahayn inay u halgamaan kana saaraan dhibaatadan haysata. Sidan ayay ku timid, ku soo dhawaada waatane. Ma qax da'im aad tahay? (A) Dadkaygii dhibaatadu dhulka ay ka saartee Dhammaan caalamkoo idil u dhoofoo qaxooti ah Wali aan sal dhigan baa Igu dhaliyay sadaradan

Kusalaysan dhaawaca Iyo dhimasho culusoo Dhanna looga bixin wali Kuwa dunida dhaafiyo Inta dhimatay hadal male dhawaaqaygu wuxuu yahay dhanbaal aan ku leeyahay qurba jog dhammaantiin Dhab u eega nolashiyo Dhacdooyinkii la soo maray Iyo waxay dhib gaysteen Iyo dhab u qixiinnii Dhibtuu darisku curiyoon Dhallaan iyo haween bixin Dhulka aad ka baqateen Dharag kaama qixinoo Dhib ayaad ka carartee Wixii dhacay bal ii sheeg! Yaa darinta kuu dhigay? Cidna kaama seexane ha saluugin sooryada! Dhab u eega nolashee Yaa dhagaystay cabashada Iyo waxaad dhib sheegtoo Dhamaantiis ba la aqbalay Dhalashana aad mudateen Dhab u eega nolashee Qorba joog dhamaantiin Dhulka aad ku nooshahay dhankuu dunida kaga yaal Gurigaad ku dhaqantahay handasada dhamaystiran Injaneero dhuuxeen

markii ay dhisaayeen dhanwalbaba ka eegeen Oo loo dhamaystiray dhammaan waxaad u baahnayd maxaa dhaliyay howshaa? dhab u eega nolashee Intaa kuma dhammaaninee miisaan dhaqaaliyo Maal dhumuc leh lagu daray Caafimaadna dheeryahay iyo dhalasho buuxdoon hoos kuu dhigaynoo dhibtii aad ka timid iyo dhaqan looma ooyaan laangaab xun kaa dhigin nasabkana aan dhaawicin Dhinacna kuu xaqirikarin Dhalintana dagaal galin Dhimashiyo halaag bada Dhanna looga bixi karin Qaanuunku suu dhigi dhamaan waxaad u baahnayd Dhaqso aad ku heli kari Dhab u eega nolashee maxaa dhaliyay qaabkaas dhammaan waxaad xaq leedahay dhanka howshu taalliyo Dhabbihiisa aad garan Dhaqso aad dacwoon kari Dhib haddaad dareentana MA DANAYN SIYAASADA? Dhab u eega nolashee Waxaa dheer intaas wali Dhinacyada siyaasada

Dhab ayaad u gali kari Haddii loo dhammays tiro Dhaqamada hormarin kara dhanqar yiyo xumaan aan Sumcaddaada dhaawicin Ka ilaalin dhooqada Siyaasiga ka dhowrsoon dhulkaad madax ka noqon kari DOWN ISTIRIIDNA AAD DAGI Iyo aqllo dhaxal gala ah Dhaqaaliyo amniga iyo Dhabta xugunka laga hago Dhib yaraan ku dumi karin Dagaan baa dad kaa dhigi Dhab u eega nolashee haddaad dhab u shaqaysaan tii laisku dhaafiyo dhibta aad xanbaartaan dhaqamada xun tuurtaan sharaf aad u dhaqantaan dhulkaad joogto inu yahay kaagii dhabta ahaa dhalinyaro laamino uu dhuuxa kaa galo ood dhaar ku mari kari dhibkastoo timaadana ka ilaalin dhaawaca una dhiman daraadiis dhankaagana difaac gali Marna cadow u dhiibayn canshuuraha dhammaan iyo bixin kari in dheeri ah sidaas baad wadani dhab ah dhibyaraan ku noqon kari oon dhaawac dila qabin

oon dhowrdal kala dagin geeddi aan dhamaan iyo kolba dhinac u guurayn dhanwalbaba ha seegine gogashaada meel dhigo aqalkaad dhisaysana dhidibada u aasoo dhakhso yuusan kaa dumin oon maabku kaa dhumin Go'an dhiiran qaadoo Ka dhabee inaad tahay Buur dheerar badanoo Dhaqso aan la dumin kari dhabta nolasha hagi kara dhallaankiisa korin kara dhib kastoo timaadana dhaqankiisa hayn karo oon diinta dhaawicin iyo sharafta dhaqameed dhulka madax ka noqon kara cidna maya aan dhihikarin Qalad loola dhaqan karin Hadaad dhowrto xeerkiyo Sharciyadu siday dhigi cadaalana ku dhaqi kara Oo dhaqanka eexdee Dhaawici midnimadiyo Dhaqaaliyo kalsoonida Cadaaladu siday dhigi Kudhaqmoo ilaalshoo Dhanna aan ka mari karin Dhaar culus ku mara oon Cidna dhaafinkarin taas

Intay nolashu dhaqantahay Waqtiguna dhammaan wali Dhulkana aan ku noolnahay

22. Waqtigiisa dhumiyow Waxaa halhays innoo ah oon isku salaannaa markaan kulanno (SUBAX AMA GALAB WANAAGSAN). Haddaba suashu waxay tahay:wanaaga waqtiga wanaagiisa maxaa lagu cabirayaa? oo sidee loo qiyaasi kara? Iskama wanaagsanee waxay sidaa ku noqon kartaa in laga faaiidaysto oysan meel cidla ah ku dhumin. Tixdani waxay qayb ka ahayd doodo aan la galay dhalin yaro soomaaliyeed oon saaxiibo ku nahay FACEBOOK-ga. taariikhdu waxay ahayd 29-3-2011 waqtigiisa dhumiyaa nolashiisa dhumiyee Maogtahay dhabaha xumi Dhanwalbood u qaadaba Inuu dhimasho kugu ridi? kuwa dhumiyay xoogee Gaajada u dhiman iyo Dadka dhumucda waynee Dhalaankoodi ciil tiray Dhanwalbood ka eegtaba Waqtigoo la dhowriyoo howl bay isku dhaafeen Horukaca dhammaantiis Dadku ay isku dhaafeen Dhib yaraan ma ku imaan Dhidid baa u daatoo Dhiig baana loo qubay Maal dhumuc leh yaa galay Cilmi dhaqan abuuraa

Dhidibada u aasoo Dhismihiis ka qayb galay Oon dheelli yeelayn Dadaal aan dhammaan bay Adduunyada ku dhaafeen Dibudhaca dhammaantiis waa dhaqan xumaadoo Ummadiisa dhaawacay Meel dunidu dhaaftiyo Dhabbe waa la sii maray Ka dhammaaday nuxurkii Dhex dagay oo ku seexdoo Dhinac kale u guuray Shaqo aan dhibteed rabin Dhabtii yaa u timid oo Cuntadii dhammaatoo Arrad iyo dhib yaa yimid Markay baahi dhalatay Dhmmaantoo is laayeen Dhiigooda daadshiin Ma dhibaan naftoodoo Shaqo uma dhaqaaqaan Dhulka yay ka dhoofaan Dad kalay isu dhiibaan Ama dhimasho yay sugi Waqtigiisa dhumiyaa nolashiisa dhumiyee Maogtahay dhabaha xumi Dhanwalbood u qaadaba Inuu dhimasho kugu yahay?

23. Dhimashada ha yeelina

29-3-2011 Facebook ayaan dood kala qayb galay koox dhallin yara ah, qaar ka mid ah dadkaa ayaa waxaa ka muuqday niyo jab iyo himmo gaabni aad moodid in la isugu sheekeeyo dhaqanna ay noqotay.
Dhallin aan himaba qabin khayr kuma dhaqaaqaan Dhanka fiican nolashana Dhab ahaanti maarkaan Mugdigay dhex jiifaan Dhabna aan u arag nuur yaa dhumin dadnimado Caqligooda dhaawici Dhaqan xumada nolasho Ku salaysan dhiilliyo Fadhi aan dhamaanayn Waxaan jirin dhamaan iyo Dhalanteedka lagu korin Khayrkeedu dhalanayn Dhibtu joogto ay tahay yaa dhumin dadnimado Caqligooda dhaawici Dhllin yaro waxaad tahay Dhumucdii dalkeennee Dhanka fiican wada mara Dhaqan toosan wada hela Baashaal dhibtiisiyo Ha ku dhicin god shaydaan Dhaawaca dalkiiniyo Dhimashada dadkiinaba Ha ku dhowranina saaas Ajashiinna oon dhicin Waqtiguna dhamaan wali

Dhimashada ha yeelina --------------------------------------

24. QALLOOCEENNA YAA DHALAY munaasabo gaar ah uma xusuusto tixdan, waxayse cabiri xaaladda guud een ku sugannahay iyo tabar xumada inna haraysay oon laga garaabayn,walina aan si sax ah looga wada tashanin. Maxaa dhalay dhibaatadan dhashu ay ku sugan tahay dhaqan xumada qayb ka ah Dhabarkooda jabisoo Dib u dhigi korriinshaha Dhammaan ubadka oo idil Dhanwalbood ka eegtaba Dhibaataa hortaalloo Isxilqaanka dhaawacay? Maxaa dhalay dhibaatadan Dhalinteenna xooga leh Dhib yaraan la jiifaan OY ka dhowri howlaha Dadkaloo dhaqaaqoo Xilka dhabarka saartoo Dhididkood ay quutaan Ka dhargaan waxay siin Dhib la'aanna noolaan? Maxaa dhalay dhibaatadan Oday dhaqamadeennii dhulku uu ku noolaa dhowri jiray wanaagoo Dhirta nabada beeroo Markii uu dhib wayn jiro Ku dhaqaaqijiray howl Dhanka fiican loo wado Inay maanta dhiilliyo

Dhibta iyo xumaatada Dhinaceeda doortaan Dhaqankiina lumiyaan? Dhammaan la isma raacee Dhinacyaha xumaantiy Kuwa dhiiriyaa badan Maxaa dhalay Dhibaatadan Oo dhaarta beenta ah Dhib yaraanta loo mari Haddaan madaxdu dhowrayn Dhab ahaan u hayn karin Balantay ku dhaartaan Oon laga dhabaynayn Waxay dhaartu mudantahay Dhaqan dowlo laga fili Dhulkuna uu ku nabad gali Dadkuna ay dhibaatiyo Dhalanteedka kaga bixi? Maxaa dhalay dhibaatadan Kuwii qalinka dhuuxee Aqoon dhumuc leh yeeshee Dhadhansaday waxbarashada Dhibaatadu markay timid Madax dhaba ma'ay noqon Dhulka waajibkiisii Laba gudan dhammaantiis Dhiilliyo colaaduhu Markay dhiiga daadsheen Qaarkood ma dowrine Dhulka way ka dhoofeen Dhankooday cidleeyeen Madax dhaba ma noqon oo Dhaban kaag ayaa dhacay Iyo waxaan la dowrayn?

Dhab ahaan u eegoo Dhan walbaba ka fiirshoo U dhaadhiciya hoosoo Maskaxduna ha dhuuxdee Jawaab dhaba ayaan sugi Oon ka dhowri wadartiin Dhibyaraan fudayd iyo Dhayal yaysan nagu marin Dhibtu waa mid guud oon Nolasheenna dhaawici Ama keeni dhimashiyo Dhulkeennoo wareegoo Dhaxal ay u qaataan Kuwo aan wax dhowrayn Dhabarkaaga jabiyoo Dhabta dowladnimo dila Dhaqankiyo caqiidada Ku hubsada xabaal dheer Oo dhimasho lagu hubo

25. FankuWuxuu cabirayaa 23-5-2011kii Muxaadaro aan ka jeediyay Jaamicadda AL azhar masar ayaa la igu waydiiyay fanka iyo muxuu islaamkeennu ka qabaa? ma xaaraan baa mise waa banaan yahay? Fanku waa hibo la inna siiyay,Waana kolba sidii loo adeegsado, wuxuuna la jaanqaada dhaqanka iyo diinta, dhaqaalaha iyo aqoonta dalkasta uu leeyay, waxaa laga rabaa fanaaninta in ay ilaaliyaan maslaxada dadka, dalka iyo diinteenna, midaas ayaa qiimo siin, bulshaduna ay ku qadarin, ILAAHAYNA uu raalli kaga noqon. Fanku qaab xumaan iyo, Fasaad gaara maahee,

Fahmigoo qalloocdoo, Fiqhi mid aanan garanayn, Fatwo diinta bixin baa Fasaadkani ka yimid oo Fankoo idil dhaleecayn Farsamo maanso wadatoo Farax iyo wanaag iyo Fidin waxaan xumaan wadan Fidnana aan horseedayn Falanqee middaasoo Far waawayn adoo qori Fasir waxay dhib leedahay! Fanku wuxuu cabbirayaa Haddaan laga fogaan diin Fikirkii bulsha iyo Wuxuu fili dad waynuhu Ku farxaan inuu jiro Fasaad iyo dhib aan wadin Fanku wuxuu cabirayaa Wanaagoo la fidiyiyo fikir la isu geeyoo falanqayn ku yimidoon fudayd lagu tirtiri karin Fanku wuxuu cabirayaa Wacwigoo la fidiyiyo Farsamiyo war qiima leh Fudayd loo gudbinayoon dalka furuq u keenayn fidno iyo wax daran hurin Maaweelo fidiyoo Ku farxaayo maqalkuna fanku wuxuu cabirayaa

Filashada bulshada ee Dadku ay ka faalloon Fikirkooda hor u dhigi Danta guudna faaqidi Wax kastoon la filan karin Maadays ku fidiyoo Farsamana u dheertahay fanku wuxuu cabirayaa Markii uu fasaad jiro Fiddo gocasho dhiilliyo Garashada fil waynee Ka gadooda ficil xumo yuu gaadh u yahay oo farta uu ku godayaa Fasaadkeeda qeexaa Fididana ka celiyaa fanku wuxuu la diriraa Fool xumada badatee Akhlaaqii fogaysee Filan waaga noqotee Fajac wayn abuurtee Wixii fiican qarisee Fadwadaa dib u eeg Kana fiirso hadalada

Arrin fool hallowday Ku fariisin xeradeen Hadal faaqidaad iyo Farsamadiisu culustahay Fadhi badan u baahnaa Yuu qaab farsamo iyo Farriin gaaban kugu siin

Dadku kula fahmaayaan

--------------------------------26. Kalinimaa kadeed leh. quruxda jiritaanku waa qaybo la uruurshay oo loo dhisay qaab ka duwan sidii hore, quwada binow aadmiga waa qaro u yeela awoodo la isku qasbey oo qaanuun wada hogaansho, waa meesha dunida qaan gaartay iyo kuwa qayrkood ka haray ay ku kala tagayn. Waad joogi kartaa adoon ka mid ahayn urur, waxaad se ahaan mid aan wax wayn ku soo kordhinin geedi socodkeenna, tartanka adduunkana aan higsanaynin,( KALINIMAA KADEED LEH) meeshaa ayay ka hadli. Kalinimo ma fiicnee Yaad kaashanaysaa Markaan eegno kownkiyo Kumayaal ILAAHAY Ku abuuray daafaha Kaymaha dhexdoodiyo Badda kooxo ugunool Buuraha korkoodana Ka dhisaaya daaraha Iyo kaydka gurigiis Waxay saa ku gaareen Iskaalmaysi goodoo Iskuduubni dhalisiyoo Kali kali xabaaloo Midna gaar u socon Karin Kownkeeni aragtoo Kalinmo ma fiicnee Yaad kaashanaysaa Oo kula halgami kara Yaa kula shaqayn kara

Ood kalsooni siin kari Keebaad ku aamini Oo kaydka kuu hayn Kaacelin dhibaatada Maatidana kula korin Ood kaashanaysaa Fikirkaaga kula dhisi Kalinimada kaa bixin -----------------------------------27. Tallaabada koobaad. Dooxa a ayaan joogay waxaan aqriyay sheekooyin qiima badan oo ku saabsan horumarka aduunka, midwaliba si dhibyar ayay ku bilaabatay , waxayna keentay isbadal wayn.Markaasan tiriyay tixdan maansada. Hal talaabo hor uqaad Aad hadafka dhaliside Ha aqbalin hagaasnimo Aad horumar gaartide Ha ka harin dantaadana Mar unbaad haleeliye Howl aan dhib loo marin Hoos laguma seexdee U adkayso holac iyo Hanfigiyo dabaylaha Harraad iyo dhibtiisiyo Haydaarta aad mari Habka nolasha ee wacan Taasaa hagaysoo Hilinkeeda kugu ridi Hima sare dad aan qabin Horay uma socdaanoo Fowdaa horsed u ah Hannaan madax ma yeeshaan

Habka dunida kala haga Ma habayn karaayaan Guulla sooma hooyaan Hoogbay ku noolaan Iska hubi waxaad qaban Iyo maabka kala haga Yaa kula habayn kara Yaa kula halgami kara Habka toosan kula wadi Haadaame kuu qodin Kula toosin howlaha Haaneedka kula sugi iyo hadafka aad dhalin ------------------------------28. Hanka wayn.28. Aad ayaan ugu farxay hadalka aad ku soo qortay bogga. Rajo waa albaabka nolasha oo idil, la'anteedu waa geeri, hor usoco oo ha naqon kuwa hanka yari deeqo, hagaaskana ku raali ah. Ma xusuusto ruuxan aan ka jawaabay qoraalkiisa waan raadin doona. Ruuxaan hanwayn qabin Ma hodmaayo abidkii Horay uma dhaqaaqee Hagaasnimo ayaa sugi Hogaan xumadu waa cudur IYO hoog aan laga kicin Dadkan dunida kala hagi Hogaan baa u soo baxay Haydaaro culus iyo Harraad iyo dhib soo maray U halgamay maslaxa guud Habeen raaxo aan helin Waa howl innoo taal

Himo xumo ma tuurnaa? Hareeraha MA QABANAA? MA HAGNAA dalkeeniyo ? Dadkeenaa hagaaska ah? Inaan haa niraahdaa Howl culus ayay dhali Isga hubi waxaad dhihi Aan bilowno howshoo Haaneedka qabanno Dhinicii haboon iyo Dhabta hoose siday tahay Dhaqso hilinka nagu ridi Himmadeenna kur u dhigi Oon hoos innoo dhigin 29. jacayl baa wanaag dhala. Inaan ku soo biirno dunidan waxaa sababay Aabbo iyo Hooy Is jacaylkooda, guurkooda iyo arooskooda, kaasay ka dhasheen ubad dhadig iyo labood leh,Markaad eegto waxa fiican eed qabatay ama hadda aad hayso waxaa keena in badan oo ka mid ah jacaylkaaga, jacaylku wuxuu keenaa xamaas labanlaaba wax qabadkaaga iyo adkaysi iyo dulqaad badan . tixdani waxay ka dhalatay muxaadaro aan ka jeediyay magaalada gotanbak oo ah magaalada labaad ee SWEDEN2008 waxay ku saabsanayd ababinta caruurta maxaa sal u ah. waxaan joogay in ka badan 100 qooys in ka bada, waxaan waydiiyay su'aal: misa ayaa ku tiraahda ninkeeda WAAN KU JECLAHAY meel ay maqlaayaan caruurtu boqolkii sadex kali ah 3% ayaa tiri HAA!!! Jacaylbaa wanaag dhala isagaa wadiiqiyo kuu furi wada saxan Wixii aad jeclaatana

Kama daashid waligaa Wadadiisa yaad hayn Shaqadiisa waad wadi waxwalboo dhibaata ah ama murug wadnaha gooyn ama hurin wad iyo hoog oo wada musiiba ah Waanada qalbiga iyo Sabirkaa waxaa qarin u habay wadada saxan xal wanaagsan kugu hagi oo waara oon dhiman Waalidkii jacayl gury Wadnihiisa uu dago Wax kastoo mashaqo iyo Walaac ihi markuu dhaco Maankiis ma waayee Wuxuu milicsadaa waa Masuuliyada wayn ee Waajibkeed la saaree Marna aan wareer iyo Waallida aqbali karin Miyir wuxuu u raadsha Waxkastoo xal keenoo Wanaag sharaf leh soo celin Caruurtuna wanaagay Ku arkaan dad waawayn Yay ku waano qaataan Nolashooda sii wadi ooy ku waari doonaan Wixii ay arkeen iyo Wadiiqihii la soo maray Marka hore ayaa hagi Wax markay bartaan bay

Wanaag badan ku soo dari Dadku aay wadaagaan Walaalayn dhammaantood Waddankuna ku nabad gali 30. NOQO RAAD WAXTARIKARA . Uganda ayaan ku tagnay martiqaad ka yimid jaamicadda KIU huteelkii aan daganayn ayaan ku ku marti qaadnay 40 arday oo isugu jira rag iyo dumar dhammaanna qalin jabiyay jaamicadda moqdisho kana waday master Uganda,Taariikhdu waxay November 14\ 2011. Munaasabadan ayaa igu abuurtay dareen shaqo oo macnihiisu yahay in laga shaqeeyo wax aan kula dhimanin ee ku waara adduunka, nacfigiisuna gaaro jiilasha soo socda Raad wanaagsan sii reeb Ka runsheeg waxaad qaban Hana simin run iyo been Rabbibaa cadeeyoo Rasuulkiisu qeexoo Raadkoodu kala dheer Waxay reebi halis badan Rafaad iyo dhib joogta ah Hadaad raacdo beenahaa Rug nagaadi bay noqon Iyo raaxo daaimaa Raynrayn macaaniyoo Riduhuna u dheeryahay Hadaan raacno taakale Raad wanaagsan soo reeb Ka runsheeg waxaad qaban Bulshadana u roonow Raaligali dadkeedana Raad wanaagsan soo reeb Ka runsheeg waxaad qaban

Haddii aan rag iyo dumar Rabitaan ku duugnayn In lataago raas dhab ah Tiirkiisa ridi Karin Rugta guriga duminkarin Roobkiyo dabayluhu Guri aan ku raagnoo Lagu reeyo ma imaan? Waxkastoon run loo qaban Rasmi looga wada talin La rogrogin siduu noqon Riyo beena ka agdaya Oon ruuxna wax u tarin -------------------------------31. U sahami adoon rarin. waxay tixdani ku timid hadal uu yiri nin ka mid ahaa jabhaddii USC kuna noolaa magaalada Moqdisho oo la yaabay sida ay dadka u dilaan haddana madax ugu noqdaan, heeganna u yihiin daafacooda markay u baahdaan, oo daraadood u dhimanayaan gar iyo gardaraba. Wuxuu ahaa hadalkiisu( dadkayagu wanaagsanaa waan dilla wayna na doortaan) Markaan maqlay hadalka ninkaa waxaan cabiray si toos ah macnaha uu leeyahay warkiisu 15 beed ee hore waxay hordhac u yihiin tixdan:

( u sahami adoon rarin)


waxaan ahay nin dooroo Danbi wayn sameeyoo dadku wada qadariyaan Waxaan ahay dilaa wayn oo dumiya qarankiyo Dalku wuxu ku taagnaa

Waxkastoon daneeyana Dadku wuu isiiyaa Iyagoon ka doodayn Dalka aniga yaa loo Kaan rabo markaan dilo Way i daba galaayaan Haddaan doolar qaybshana Dareenkooda yaan helay Markaasay i doortaan

32. U sahami adoon rarin


Hadal aan wax qabad wadan Hantaaq kaama saaroo Hanti runa makeenoo Hoos kuguma deeqoo Hab siyaaso wacan iyo Nabad sooma hooyee Haaneedku yuu lumin Iska hubi hankaagiyo Himmadaadu meeshey Haab haabanaysoo Higsanayso iney tagi Goob hoos qabow iyo Howd wada barwaaqa ah Dadku wada heshiis yahay Adoo hoos u wada dayay Habka nolasha oo idil Hadayaanka qaadkiyo Haasaawe beenoon Hal abuurba curin karin Ku habaysan rabitaan Hubiyoo rogrogay oon Hurdo dheer ka soo kicin

Male beena ku hodayn Hor u soco markaasuu Hilinkaagu falanyahay Hor u soco adoo huba Inuu maab ku hagayoo Sahankuna hubaal yahay Sahayduna diyaar tahay Sabirkuna u yahay dhidib Oon halmaamin dawgii Dadku khayrka ka heleen Iyagoo halgamayoo Manhajkooda haystoo Ku hanuunsan Diintiyo Habka nolasha kala wada Marna lagu hongoobayn Hor u soco adoo huba Inaad guusha hanan kari Umadana horseed u ah Aan ka daalin howlaha Dalka lagu hormarin karo Lagu hagi dadkiisoo Horseed nabad u noqon kara Haka tagin hubsiinada Habka guushu wuxuu iman Markaad hubiso hadafkiyo Howl qabad siduu yahay Adigoo hab dhaqan loo Himilada dadkaagiyo Meeshay higsanayaan Hormuud aad u noqon kari Ood hagar la'aan fulin Howlaha dad waynuhu Hadaf uu ka yeeshoo Himmadooda soo celin Adoo huba waxaad qaban

Iyo howsha kuu taal Iyo halista badan ee Hilinkaad maraysiyo Kugu sugi halkaad tagi Hor u soco adoo huba Hogaan dhaba inaad tahay Danta guudna aad hagi Ood hayn cadaalada U horseedi nolal aan Dulmi lagu hadhaynayn Dadku wada hantinayaan Daawaysa hoog iyo Darxumiyo halaagii Dadku halis ku wada galay Dalkoodii halmaameen Hor u soco adoo huba Inaan ruuxna haynayn Hantidiyo kursiga iyo Habka nolasha wacane Dadku maanta haystaan Hortaajiraba waayoo Ka huleele meeshaad Habsamida u sii dagi Ood moodi hooy wacan U habaysan nolal aan Abidkeed hallaabayn Hooskeedu sii jiri Adna haybad wacan iyo Halyay aan gablamin iyo Magac aan harayn iyo Hodan aad ku noqon kari!!! Halgan wayn adoon marin Wali hoos u soo galin Haydaaro xugunkeed Ma hubtaa inaad noqon Hanad lagu nastaa'oo

Ka habaabin meeshay Dadku wada higsanayeen Dantoodana ka haki kari U horseedin meel daran Duco iyo wanaag hela Halgan wayn adoon galin Iska hubi inaad tahay Mid aan guusha hanan oo U horseeda meel baas Dadku wada habaaraan ----------------------------------33. DADKU MAXAY CODSANAYAAN? Adduunka waxaa ka socda is badal aad u wayn oo ku saabsan qaabka siyaasadeed oo lagu hogaamiyo shucuubta, heerar kala duwan ayay ka soo tallowday, waxay ka soo gudubtay dhibaatooyin badan, waxaa la gaaray qoraallo caddaynaya waxa ka dhaxeeya xukaamta iyo shucuubta oo qeexda waajibaatka iyo xuquuqda uu dhinac walba leeyahay, taas ayaa keentay in lala xisaabtamo madaxda ku timid codka shacabka. Hadaba shacabka soomaaliyeed madax ma leeyahay?ma soo doortaa dadkuu rabo? ma xisaabi karaa nin xoog ku yimid? waxaa igu soo riday gabaygan markaan arkay sida loo arko madaxnimada ee dhibta yar, waxaan is waydiiyay haddi Aad talada wax ku yeelanlahayd ayaad dooranlahayd? maxaad ka codsan lahayd inay sameeyaan darajo kastaba ha ahaatee? maxay tahay tilmaamaha uu yeelan lahaa ruuxa loo dooran mansab? maxaase loogu diidi lahaa jago siyaasadeed in uu qabto? Tixdan(DADKU MAXAY CODSANAYAAN?) waxay ku dhalatay munaasaba doorashooyinka qaabka xun ee la joogteeyay dareenkay igu beertay. ku soo dhaw akhyaareey. Dadku waxay codsanayaan Dalka inayna maamulin

Darajiyo xil loo dirin Dagaal ooge baas iyo Duulkii wax soo dilay Danbiyada culculus galay Ku danaystay maalkii Dadku ay lahaayeen Darxumiyo halaag baday Dalkeenniyo dadkeennii Oo dumiyay qarankiyo wax kastoo dadku lahaa Dadku waxay codsanayaan Dalka inayna maamulin Darajiyo xil loo dirin Damiir laawayaashaas Dalka aan u soo dhiman Dadka aan wax soo tarin Daydayi wax boob iyo Dulmi xoolo lagu helo Durba ay ku taajiri Dadku waxay codsanayaan Dalka inayna maamulin Darajiyo xil loo dirin Kuwa aan daryeelayn Inta tabarta daran ee Duqaydiyo caruurba leh Dumarkana xaqood marin U dadaalin kooxaha Darajaday mutaan iyo Xaqoodii la duudsiyay Dulmi looga dhigay saad Dhib yaraanna lagu dilo Dadku waxay codsanayaan Dalka inayna maamulin Darajiyo xil loo dirin

Kuwaa dumiyay qooskee Daayacay caruurtiyo Dumarkay isqaateen Danahooda qaban jiray Ilmahana u daadihin Dib u eeg su'ashaee Ninkii dumiyay qoyskii Dadka uu ka doorbiday Danta qaran ma hayn kari? Dadku siday ku aamini?

Dadku waxay codsanayaan Kii dooni madaxnimo U durdurin siyaasada Mid danayn inuu yahay Dadkoo nabad ku seexdiyo Dareen caafimaad qaba Wixii dumay dhammaantiis Dib ka soo dhisaayoo Danta guud kobcinayoo Danahooda wada qaban Dulmigana ka dheeraan Dowladiyo dadwaynuhu Dareenkii wadaninimo Ee dumay ay beeraan sidii ul iyo diirkeed Dadku ay ahaadaan Dulmi waan dhadhaminnee Cadaalada ay doortaan Dadku waxay codsanayaan Madax daacadnimo iyo Dareen run ah xanbaartoo Dadka been u sheegayn

Dareenkooda dhaawici Oon duminin diintii Dadku wada rumaysnaa Dadku waxay codsanayaan Madax dowladnimo run ah Dariiqeeda qaadoo Dalkeenaa rafaadsani Darka nabada qabatimo Dagaalkana horjoogsada Isagoon dulmi aqbalin Xuquuqdiisa daafici Intaan dariska nahay iyo Dowladaha aduunyada Danwadaag la noqon kara Nabadaa dalkiisiyo Dhaqaalahana door baday Danta guudna ku adkaan Wax kastoo dulmi ahoo Dadku uu macaansaday Dalimiinta xooga leh Dadkoodii ku taajiray Kii dumiyay noqon kara Dadku wuxuu ku leeyahay Kii dooni madaxow Dabinada laguu dhigay Een dowladnimo rabin Dagdag howgu dhimano Ka dadaal intaad kari Dariiqaa midkii mara dadku way jeclaadaan Shaqaday la daadihin Iyagoon dan kale wadan Oon darajo kaa rabin --------------------------------------------

34. Waalidoow ma oktahay albaabkaas? Bisha november 2008 ayaan muxaadaroyin ka jeediyay magaalada Bergan oo Norway ku taalla, waxay ku saabsanaayeen xiriirka ka dhexeeya labada isqabta, ama labadooda iyo Ilmahooda, waxaa ka soo baxay doodihii na dhexmaray burburka dhexyaalla ragga iyo dumarka, dhibaatada ka timid dhaqamada cusub. waxaan iswaydiiyay caruur qaabxumadan arkaaya, maqlaaya, ku nool qooysas aan xasiloonayn siday ku toosi, Ilmo aan arkayn aabbo iyo hooyo isu kaalmayn, isu qosli, la ciyaari dhallaanka siday wax u jeclaan? Tixdan (Waalidoow ma oktahay albaabkaas?) munaasabaa ayay ku imaaday ee ku soo dhawaada. Inta aan ogsoonnahay Qayb ka ah adduunyada ILAAH baa u doortoo Aadmigaa hogaan u ah Qooys lagu agaasimay Aroos iyo mashxarad baa Asal nolasha u ahoo Udub dhaxaadka laga dhigay Qooysna lagu adkeeyaa Adigaa waxaad tahay Sirta furi albaabada Ilayskiyo nalkiisiyo Ogsijiinka lagu dagi Uu ubadku quudani Aasaaska koobaad nolasheenna oo idil Iridaheeda furi kara Ma ogtahay inaad tahay

Haddiikalena ebar tahay Waxaad dooni abidka Waa Ubad hagaagoo Toosnaan ku ababee Meesheed u mari kari Adoon jabin albaabada Aasaaska koobaad Adduunyada dhammaanteed istareexa lagu noqon Aakhiro jannada iyo Wanaag aan idlaaneyn Uu eebbe kugu siin Ma ogtahay albaabkiis? Arintaas ideylkeed Waxay ka unkamaysaa Irridaha jacaylkiyo is afgaradka Hooyiyoo aabbaha dhexyaalloo Asluub sharaf leh lagu dhaqo Oon hoosna loo odhan Arintoodu wacantahay Akhlaaqdii Islaamkiyo Ku saleysan IIMAAN Ubadkooda oo idil Sinaan iyo cadaaliyo Eex li'i ku koriyoo Aflxunna daba ool

Caruurtuna ogsoontahay Ama aay arkaayaan Astaamaha jacaylkiyo farax aan idlaan iyo

In is aamin uu jiro Oraah lagu caddeeyoo Adimaduna ay qiri Uurkuna nadiif yahay

Aqalkoodu nabad yahay Aabo iyo hooyana Sidii ul iyo deerkeed Arintoodu wada tahay Ubad lala ciyaariyo Ixtiraamku waynyahay Ilmuhu kaa maqlaayaan Abboowiyo Abbaayiyo Walaalkiyo walaashiyo Huunno aan jecleeyow Ama hadallo kale oon Halkan aan la tixi karin Isjeclaanta dumarkiyo Raggu waa wax daa'ima Nafta yaa danaysee Ha u diidin waligaa Dar ALLANA u qabo taas Siday diintu amartee NABIGUNA uu daa'imay Inaan aqalku kaa dumin!!! Oon abuurku kaa bi'in !!! Ha illoobin furahaas Mar kastana adeegsoo Meel adagna ku ogoow Waa albaabka guushee Haddi kale inkaar iyo Eed aan dhammaan iyo

Aqalkoo mugdi ah iyo Murug aafo dhalisiyoo Ilmadood qubtaan iyo Aayo xumo ku waar bay Nolashiinnu ku idlaan ----------------------------------35. Dadka Maxaa Midayn Kara?. 1. Inta dunida joogtee 2. Dhammaantood is diidani 3. In badani is dilayaan 4. Diimana ku kala jira 5. Daafaha adduunyada 6. Inba meel ka dagantahay 7. Dareen Kali ah yaa jira 8. Dadkaa idil mideeyoon 9. Cidina diiday odhan karin 10. AMA dood ka gali karin 11. 12. 13. 14. 15. 16. 17. 18. 19. 20. 21. 22. 23. 24. 25. 26. Dareenkaa mideeyaa Da yar iyo duqay maleh Diin iyo wax kale maleh Duul maal qabeen iyo Miskiin gaajo Dili maleh Milyaarada dad waynaha Waxaa sima dareen culus Dadku wada aqbalayaan Ooy dooni waligood Iyagoon ka daalayn Xiisahoodu damihayn Intay dunida joogaan Haddii aad dadaashoo Dib u eegto nolashana Diiraddaadu waxay qaban Dareenkii midnimadee

27. 28. 29. 30. 31. 32. 33. 34. 35. 36. 37. 38. 39. 40. 41. 42. 43. 44. 45. 46. 47. 48. 49. 50. 51. 52. 53. 54. 55. 56. 57. 58. 59.

Dadku wada jeclaayeen Qaarkeen inuu dumin Oo loogu dowgali Waan soo dabcinayaa Waxba yaana kugu dilin Dood aan dhammaanayn Dalab iyo qalloc galay Dariiqii caqliga marin Haddii uu dareen jiro Inta dunida joogtiyoo Dadka wada masayn kara Oon la isku diidayn waa daawo yaab loo Lagu diirsan karayoo Damaashaad xarago mudan Loo wada dabaal dago Dadkuna ay midoobaan Wixi dumin dantoodana Dagaal ay ku qaadaan Hadday doodu taa tahay Dareen midana jiri karo Dantoo idilna saa tahay Haddana duul inkaar qaba Dhib yaraan ku dumiyaan Daayici wixii guud Dantoodana ku waayaan Wax is diidan waa maxay? Kuu daayay hadalkee I deeqsii warkaagoo Ila doon sirtiisoo Daahiisa kur u qaad Waxaa dadan aan baarno Xalkiisana aan doonnee?

-------------------------------------

36. XORNIMADU MA BEECBAA?


Nolashu waa goob wax barasho oo Joogta ah , waxay na siisaa duruus aan marna istaagin, taasoo u baahan inaan nahay arday u diyaar ah aqoon korarsi ay hogaamin maskax furan oo soo jeedda amarka siinaysa xubnaheena oo idil, taas oo ka digtoon in meel kale cidi ka hagto, si aynaan u waayin xornimadii ay inagu dhalaeen Hooyooyinkeen. Kuwa ilaaliyay dadnimadooda, xoriyadooda, danahooda ayuu Qoraanku wuxuu ku tilmaamay inay yihiin ( ) kuwa wax arka ama( ) kuwa caqliga leh ee xanbaarsan fikir wax tara.ILAAH BAA ku yiri Quraankiisa } { { } Tixdan soo socota waxaan tiriyay mar aan arkay dad badan oo iibinaaya xornimadii ILAAHAY ugu deeqay oo dhaafsanaaya wax riqiis ah, iyo kuwo ka tanaasulaaya waxay rumaysnaayeen ama ay sheegan jireen oo raacaaya safaro meel uu u socdo aysan warsanaynin, ee qaylada ayay ku lug dareen, middaas oo ka horjeeda qiimaha insaanku leeyahay oo loogu tala galay in uu qaato go'aankiisa, maxaa yeelay adduun iyo aakhiro labadaba wuxuu masuul ka yahay tallaaba kasta uu qaato!!! Inaad go'amadada adigu qaadato iyo in laguu qaato waa waxa u dhexeeya xornimada iyo addoonimada. XORNIMADU MA BEECBAA?!!! QAYBTA KOOBAAD 1. Dunidaan ku noolnahay, 2. Duruus baan ka barannaa, 3. Baruhuna diyaar yahay, 4. Dadaalkiisu badan yahay,

5. Marna uusan diidayn, 6. Daadihinta jiilkiyo, 7. Dadka uu la noolyahay, 8. Midka aan danaynayn, 9. Cashiradan diyaarka ah, 10. Oo diiday inu yahay, 11. Ruux darajo mudan oo, 12. Xornimada daneeyoo, 13. U halgama difaaceed, 14. Dariiq toosan aan marin, 15. Yaan hadalka deeqsiin, 16. Dooduna u socotaa, 17. Oon daawo oga dhigi, 18. Haddii uu danayn oo, 19. Qalbiguna diyaar yahay, 20. 21. 22. 23. 24. 25. 26. 27. 28. 29. 30. 31. 32. 33. 34. 35. 36. 37. 38. Anoo soo dabcinayoon, Kugu daalin hadal badan, Ka fogaanin dulucdiyo, Danta tuducdan laga rabo, Dareenkayga yaa qaba, Haddaad dooni safar dheer, U diyaarsantahay socod, Doon aadan garanayn, Inta ay diyaar tahay, Dadka wada wuxuu yahay, Dalka ay u socotiyo, Dagaankiisu siduu yahay, Dakaday ku soo xiran, Duruufteedu siday tahay, Lama koro dusheedee, Dagdag yaysan kula tagin, Adigoon diyaar noqon, Ama aan dadaal bixin, Daawiyo wanaag dhala,

Qaybta labaad 39. Duruuftaad ku nooshahay, 40. Dib u eeg siday tahay, 41. Oo hubi dariiqaad , 42. Ku daadihin naftaadiyo, 43. Danahaaga oo idil, 44. 45. 46. 47. 48. 49. 50. 51. 52. 53. 54. 55. 56. 57. 58. 59. 60. 61. 62. 63. 64. 65. 66. 67. 68. 69. Hadii aad ku daashoon, Dadaalkaagu midho dhalin, Dad yaqaanna waydii Ducaysoo Ilaah bari, Ha ka daalin waligaa, Dib u EEG waxaad qaban, Adiigoon dusheed korin, Dalaq dhihin bad wayn aan, Xornimadaada daayicin, Oon daadku kula tagin, Dib u noqodna aan karin, Waxaad dooni oo idil, Dareenkaaga siiyoo, Ku daadihi caqliga iyo, Waxay diintu amartoo, Dariiq nabada kugu ridi, Dantaadana ku gaadhsiin, Danbigana ka nabad gali, Ama daarta aakhiro, Rabbi darajo kugu siin, Dadka ha iska raacine, Daadihi naftaadoo, Waxay mudato deeqsii, Dirqi howshu maahee, Go'aan daacad yeeloo Dadnimadaadu yay lumin,

70. 71. 72. 73. 74. 75. 76. 77. 78.

Ha is dilin adoo huba, Inaad raalli galin duul, Danahooda aad fulin, Sunna ay ku daaqsiin, Adoo raadin dano uu, Danbigoodu kula socon, Ilaa daarta aakhiro, Dareenkaaga dhaawici, Intaad duni ku nooshahay,

Qaybta sadexaad 79. Dib u dhowr naftaadoo, 80. Allaa darajo siiyee, 81. Ha u doorin xumo iyo, 82. Dagaan aan milga lahayn, 83. Danbarkiisu dacar yahay, 84. Daaquna dhunkaal yahay, 85. Duunyadu ku baabi'i, 86. Dadku baahi la idlaan, 87. U danbaynna kula tagi, 88. Meel aan dugaal iyo, 89. Dareen nabada laga helin, 90. 91. 92. 93. 94. 95. 96. 97. 98. 99. 100. 101. Ku dadaal xornimaduu, Rabbi kuugu deeqoo, Darajiyo xil wada jira, Duubkeed laguu xiray, Dibna aad xisaab mudan, Difaacana ku tahay kali, Dooduna run ay tahay, Dadkuna beenta dhihi karin, Dowlad iyo qaraabiyo, Dad ku jecel dhammaantood, Difaac kuugu iman karin, xornimada daneeyow,

102. 103. 104. 105. 106. 107. 108. 109. 110. 111. 112. 113. 114. 115.

Dullinimada ha aqbalin, Ku dadaal wax qabad aan, Dadnimadaada dhaawicin, Daba dhilif ku noqonayn, Xabsi daa'im kugu rida, Dibna Aadan uga bixin, Xadhko dulan maleeguhu Isagaa is dagayoo Dabinkiisa qooloo Dadkiisana khayaanoo Wixii dililahaa qaban Dibna waa shalleytiyoo Xanuun waligi aan damin Oo daa'im ula socon

Qaybta afraad 116. Dad horaa is yidh waa 117. Waxaa dagi ku waa kale 118. Dagdag yaad ku heli maal 119. Iyo darajo qiima leh 120. bal dhagayso doodaa 121. Duruusteeda qaadoo 122. Quraankaad ka daalacan 123. Isagaa ku deeqsiin 124. Oo daawo kuu noqon 125. 126. 127. 128. 129. 130. 131. 132. 133. Daalimiinta xooga leh Dulmiyada ku caan baxay Dowladaha lahaanjiray U maleeyay duniduba Dartood inay u nooshahay Dad baa yiri ku meel gaar Ka danayso waligaa Ku dangaar ku sii durug Aad darajo gaadhide

134. 135. 136. 137. 138. 139. 140.

Markii dunida laga tagay Dadku wada masoobeen Maalkii durdurayiyo Dahabkiina laga yimid Dad badan ay khasaareen Dood baa dhex timid oo Diinteenna lagu qiray

Qaybta shanaad 141. Duulkii la raacee 142. Dulmigoodu fuli jiray 143. Iyo daalimiintii 144. dulmigooda fulinjiray 145. Danahooda fulin jiray 146. Iyo duulalkii kale 147. Ee doomahood koray 148. Dariiqana la sii maray 149. Markii daartaa aakhiro 150. Dadku ay yimaadeen 151. Daba dhilif ayaa yidhi 152. Danbiyaasha aan galay 153. Dulligaan dad soo baday 154. Waa adi daraadaa 155. Wuxuun iigu deeqo 156. Dadaalkaaga aan helo 157. 158. 159. 160. 161. 162. 163. 164. 165. 166. Kii la raacay diidmiyo Dafir iyo xanaaq iyo Doodiisi waxay tidhi adigaa Dan moodoo Addoonimada doortoo Diintaadi iibsaday Xorriyiyo dareenkeed Addoonimo ku doorsaday Dariiq toosan garab maray Iyadoon dirqi ahayn

167. 168. 169. 170. 171. 172. 173. 174. 175. 176. 177. 178. 179. 180. 181. 182. 183. 184. 185. 186. 187. 188. 189. 190.

Ma Anaa ku idhi diid Dadnimadu waxay tahay Xaqa dawga loo maro Dullinimo adaa rabay Dabagalay nin kula mida Adoo diidi toosnaan Xaqii daahirka ahaa Adaa duunyo dhaafsaday Dariiqii Ilaahay Oo diiday amarkii Dadka toosan fuliyeen Dulligaad ka sheekayn Iyo naarta daa'ima Udulqaado saaxiib Dirqi iguma raacine Ku Dan gaadh ayaa tiri Dowrkaan lahaan jiray Duniduu ku soo hadhay Darajadeennu waa mido Cadaab aan dabcayn iyo Dabka waan u simannahay Waxba kaama deeqoo Dadku way masoobeen Doodaada iga dhaaf

----------------------------------------------------------------------------------Dulmiga bulshada iyo dareenka caruurta [A( waa gabay dheer dheer oo u baahan in aad loo dul istaago. Docda kale haddaan dayo, Suaal baa daruurane, Dad-yahow jawaab keen, Dulmanaha dhibkaa qabo, Miyuu ahayn dorraad kii, Darajada u gaarkiyo,

Daain Eebbe sharaf sii? Miyuu ahayn darkaan kii, Khaliif looba doortoo, Ixtiraam da weyn iyo, Duni waxa dhexyaaliyo, Nimcooyinka dureerka ah, Kuu Daain Eebbiyo, Alle uguba deeqoo, Duxda loo gartuu helo, Duun kale la siinoo, Dunidaan ku noolnahay, As un loo diyaarshoo, Horyaal diirran laga dhigay, War miyey diinta saas oran? Ugaasnimo diyaar oo, Daxaliyo duqoow iyo, Duugoobin abid oo, Inta dunida kula nool, Dafir looga booba iyo, Cidna dood ka gelin Karin, Ka danbeeya lagu yiri, Amarkana ha diidina, Darajada intaa la eg, War ma anaan dirayskiyo, Duubkeeda la ii xiray? Inaan doorran uun ahay, Daar sama ku noolaha, Laga daday xumaantoo, Daahirnimada loo qiray, Kuli duul malaaigi, Sida dayaxa nuuraan, Daain Eebbe soo kii, Dirqiyoo dhammaan faray, Inay ani daraaday,

Daataan sujuudoo, Deebta foolka saaraan? Kii diiday amarkuna, Miyaan laba dulleynoo, Naar aan damayn iyo, Dardar carro Ilaah iyo, Ciqaab daa'in loo qorin? Intaan darajo mudanahay, Dadyahow ka maahdaye, Diintii Ilaah iyo, Quraankaa daliil u ah, Digniin iyo bishaaraba, Alle soo dejaa sharax, Daaha uga qaadoo, Dersi dahan Rasuulkaa, Dad xaqaan ku leeyiyo, Daryeel waxaan ka mudanahay, Deel-qaaf laaan faray, Dadow dayac-tirkaygii, Male looma deyn iyo, Door-bidaal xul gala ee, Daainkii i uumaa, Darsin idinka siiyaye, Diintabo ku sheegaye, Xaqa yaan la daayicin! Sidii roob daruur jeer, Dusha sare ka keeneen, Saacada daaayoo, Dalacaadda buuriyo, Dildilada bannaan iyo, Dooxiyo arloo idil, Intuu debin mir deeqsii, Daad biya xareed dahan, Dul-muraafsha ciidoo,

Dal waraabay dabadeed, Dhulku dooga qariyoo, Caleen lagu dahaadhiyo, Ubax soo dilaaciyo, Booq la daawo mudan saas, Dadku intay jeclaadeen, U soo wada dalxiiseen, Inna saas si doorinin, Ama aan ka duwanayn, Ayaan anigu duuloow, Dunidaan ku imid oo, Waxyi baan ku soo degay, Inaan darajo mudanahay, Diintaa caddaysoo, Dahaarkii ka qaadoo, Dahan marag diyaar iyo, Dabuub wada saxiixoo, Doorrane rasuulkii, Derbi noogu qorayaa, Daliil taala kuu ehe, Ha ka doodin abid oo, War yay doontu kula degin, Kugu darin badwayntiyo, Mool aan dabbaal iyo, Dib u noqon iskaadiyo, Gacna duul ku ceenshiyo, Durbo caawis laga helin! Inaad diinta barataan, Durur-raac ku dhaqantaan, Dib u eega noloshoo, Iska daaya dulunkiyo, Dacdarriyo xumaantiyo Dilka iyo dulleyntaad, Duriyada ku haysaan, Oo dariiqa toobboon,

Dadow waa midkaasee, Ku dureeraara oo mara! Waxaa dooni libin iyo, Dayar kuu hagaagiyo, Danbi dhaaf Ilaah iyo, Diin iyo wanaag iyo, Dal dhismaa hadday tahay, Dariiq taasi loo maro, Dadow wuu ka duwan yahay, Kaan daaimeynee, Darsa oo ogaadoo, Dabuubtaan u fiirsada! Dacwadaan lisaayiyo, Dooda taan dulsaar sido, Waxay iin dul-marayaan, Dulan laba jideystoo, Sidii caado doorbidan, Dadka badan u raaceen, Taasoo markaan dayey, Dadnimada carruurtiyo, Dili noolashoodoo, Dareenkooda diirtoo, Hanka uba darnaatoo, Sareen kala dagaashoo, Dullinima ciyaalkii, Inta badan ku daaweyn, Fariin daahday weeyee, Dacwadaan dadow maqal, Dulqaad iyo jacayl iyo, Dariiq-koris habboonoo, Dayar lagu rabeyn karo, Habka doorran seegnaye, Danab qaylo-dhaankiyo, Dulucdaan idiin sido,

Dadow iga dhegeystoo, Dib u eega noloshoo Doodaan tixgeliyoo, Ila daadaheeyoo, Fahan deeqa kaashada! Qaybta labaad Uurka hooyo iyo ilmaha Anoon dunida wali iman Hooyaan dareenkiyo Damqashadada ka garan jiray Markay maqasho doodaha Daalinaaya madax iyo Hadal aan ladeeqsiin Dowkheeda gali karin Miidaanna loo dayin Dadka lama maseeyee Qaarbaa dil ugu dare Adeegsaday wax daran iyo Dagaal noocya badan iyo Madfac Daa'im dhacayoyo Naxdin aan marnaba dayn Cabsi iyo dareen dhala Dilay kuman caruura ah Dunideena wali iman Qaybta satexaad Anigu laaji baan ahay Dayma xumo lajoogtayn Dadku dhaqan ka'yeesheen Iyo daris dhammaantiis Ixtiraamba kugu da'yin Akhlaaqdoo la dumin iyo Xumaantoo la daafici Dulmi sharaf u wada yahay Ayaa dili naftaydoo

Dunidaydi hori yaan Dib ka soo xusuustaa Daymada celceliyaa Oon dib u jaleecaa Dayrkii caloosheen Darbiyadiisa fanan jiray Ilihii dabaashiyoo Garoonkaa durdurinjiray Darmihii xariirteen Markaan doono fidinjiray Cidina daa i dhihi Karin Markaan dibadda imid oon Dugsigii ka soobaxay Ayaan daal dareemo Raaxaba is daynnoo Dowladaan lahaa iyo Dalkaygii inuu dumay Isticmaarna soo dagay Oon dayr addoonimo IYo dabin la'iidhigay Dalaq siiyay luquntay Dadka aan la soo dagay Marna ima daneeyaan Qosol la ima deeqsiin Farax igama doonaan Dhabta kuma dakayn wali Dushoodana maaan koro Ciyaartaan daneeyaa Dadkuna wayla yaabaan Sidii qudhun dilaacay igu tuuri meel daran Oon cidi danaynayn

Cunto laima deeqsiin Daawana warkeed daa Darxumadaas waxaan maray Anoo hadalka daydayi Darfaha maamo siidayn OO dunidu ila tahay Docda guriga aabiyoo Dayrkiisa uu qur ah Qybta afraad Cabashada maxaa dhalay? Mar hadduu dulmigi fiday Dacwadayda waan fidin Dadka idilna waan siin Inta dibada joogtiyo Inta gudaha daadsani Duniduna dhammaanteed Doodayda way heli Dacwadaydu waatanee Dareenkaaga in isii !!! Maxaa la ii dilaayaa Oo laii dulminayaa ama la ii dulaysani Dadnimadayda loo tiri Madilaa dhashaan ahay? Dunidaba haddaan imid danbi maogi aan galay Darajadan xumaantiyo Dabin cadowgu igu riday Doodayda culus iyo Dacwaday kahorbaan Waxaan ahay ku deeqsiin Daqiiqado masiin kari? Danta guud mauhalgami?

Qaybta shanaad Tilmaamaha wax daawayn. Dareenkaygu waa ubax Dulli aan aqbalikarin Daryeel buuxa kaa sugi Iyo bayad daahiroo Daayac laga ilaalshoo Danbina aan kadhici Karin Darxumo aan imaan Karin Durdurada jacaylkiyoo Dulmi aan aqbali karin Xareedaha daruuruhu Dalka ay ku wada di'i Dadku wada cabbaayaan Dadaalkeennu nabad dhali Hawaduna nadiif tahay Dadku ay iskaalmayn Dulmiyada dhamaan jira Jacayl baa u daawa ah Dadkuna wada nabdaayaan Cidina khayrka diiday. ogow ubax inaan ahay Hadaad ii dadaashaan Markaasan dad noqon iyo Ubax wada dillaacoon Dahabkana kasara marii Dadku wada jeclaadaan Oo buuxin dowqiyo Rabitaan dadwaynaha Duniduna dhammaanteed Ay kudiirsan doontaa Daaraha arooskIYO Dukaamaha tijaarada

Darbigooda lagu tixi Oo loo dabaaldagii Dadkuna wada farxaayaan qaybta lixaad Bulshooy adaa ii baahan Dadku waxay filaayaan Markii ay dareemaan Maskaxdooda daashiyo Xobnahoo daciifiyo Noloshooda duuga ah Dib inay ka soo dhalan Daa'imkaana taa kara Oo dooran suu rabo Aan la dabar go'aynoo Dunidana camirayaa Durriyaduna daad noqon Sidii ubax dareen bixin Oo dooda kula garan Inkastoo dayari iyo Xoog daahsan aan qabo Dantii laii abuuraan Darajadeedi haystaa Damiirkayga yaa nool Igu haga dan hooda leh Xaqa dama maraynoo Maamkana ideeqsiin Duruustana ka qaataa Hadaad dan iga leedahay Ood dooni nolal sare Hayga diidin erayadan Doodayda soo lalin Maqalkana I deeqsii Ku duloobi maysidoo Darajooyin baad kori

Anigaa dantaadiyoo Mustaqbalkaaga daafici Oo dabooli baahida Haddii aan daryeel iyo Duruuf toosan aan helo Darbiyad ka sara maro Buuraha dushood koro Qaybta todobaad Baahida tarbiyada Ubaxaan dadaal helin Daryeel saa'id lagu bixin Caqli daacad u ah iyo Duunyadana loo hurin Biyahoo durdur ah iyo Cilmi aan la deeqsiin Dagdag buu u liicaa Haddaan laga difaacayn Xayawaan wax daaqiyo Xasharaad wax dila iyo wax dubkiisa dhiba iyo Dhaawac xididka gaariyoo Dabaylaha wax qaadiyo Waxkastoo tilaayaba Durba waa qarsoomaa Daayaca buu u dhimanoo Danba wow qalalayaa Intaas oo daryeeloo Ducaduna u dheertahay YaY dooni ubaxyadu Dadkuna kaga maqsuudaan Da'yarteennu waa saas Haddii kale ma daaimo

Duniduna ma'aragtoo Durba wuu hagaasaa Difaac adag ma helayee Darxumay u baabi'i Dadkii beeray oo idil Durba way ka quustaan Xanuun bay dareemaan Dibna kama farxaan abid Markaasay dulloobaan Dalagoodu uu bi'i Dadaal waxay sameeyeen Dabayluhu ay qaadeen Xoogii dadnimadanaa Sabankii ayaa dilay Aqalkii duqnimadana Daahiisi baa furan Dibna looba noqon karo ------------------------------Dadku maxay isku dhaafeen Dadku waxaysku dhaafeen Dunidan aan ku noolnahay Iyo daarta aakhiro Shaqo la'isu diray oo Hagaag loo daryeeliyo Durriyadoo hagaagtoo Dadka toosan daadihin Intakalana daawayn Oon ka dhumin dariiqii Dadka loogu talagalay, Wax dishiyo wax daysaba Anigu ubax darxomo iyo Dulmiyada iswada koray Ku daaloo cabbaan ahay Diiftiisu igu taal

Oon doogsan waligii Waxaad Daar dhisaysiyo Damacaagi waynaa Waxaa jira wax daranoo Raaxadana kaa dumin Oo doodo badan qabaa Iyo ciil dillaacoon Wali daawo loo heyn. Cabasha caruuraha caruuraha dalkeennaan Fariimahan u dirayaa Damqashada xanuunkiyo Dulmiga roob sidii di'i Duudsiga xuquuqdaa Dacwadayda qayb ka ah Dulli iyo darxumo aay Dadku wada arkaayaan Oon cidina diidayn Oon ka daaya lalahayn Ugu siidar mooyee Anna diiday dhihi karin Difaac adagna gali karin Dantaa ii run sheegtoo Dabar adagna igu xiri Dagdag looma furi karo Saban baa u daawa ah Tanaa dhalin didmada iyo Danqashiyo cabsida badan Ilmadaa sidii roob Uda'aysa waligeed Udurduri sidii wabi

Daad badan ku soo daray

Duufaan sidiisii Dalka wada masaysoo Badihii dilaaceen Yaan doodan furiyoon Ceebtiinna daabici Intarneet ku sii diri Oon dillaacin boogaha Duniduba ha'yaabtee Daymada qalloocdee Is huruufku dabayaal Dhaqan aan danayn iyo naxariisba lagu dayin Ilmo duulki dhalay iyo Bulshaduba daryaylayn goobaha dagaalkay Caruuraha u dirayaan Boqollaal la soo dili Ama dhaawac daran by Darbiyada lajiifaan Dadku wada agmarayaan Iyagoon dareen iyo Qalbi didaba aan qabin Inta mowdku dilayee Ka holeeshay dunidiyo Kuwa diiftu cuni'ee Dareenkoodi uu lumay Midna uma danqanayaan Dibna uma xusuustaan Dalka iyo dadkaa tagay Mahadhada danbiga ee

Inta dunida joogtaa Dawakh ay ka qaadeen yaan la diiday anigoo Kolba daah cuskanayaa Dakharadii igaariyo Dacartiyo suntaan liqay Yaa kicin dareenkiyo Su'aalahan isdabayaal Dibna aan u soo celin Dahaadhkii asturayiyo Wax kastoo dabooliyo Daahana ka wada goyn Dadku inay maqlaan bay Dantayduba u socotaa Bal inay dariiqii Danbiyada ka leexdaan Xaaraantay dabaashaan OO dumisay nolashaba Dadku khayr ku doorsado Dantaas yaan rabaayoo Dacwadana u soo furay Dooduna ku socotaa Danta guudna u khidmayn Ilmahana ku daafici *********************

Qaybta sideedaad Dilka iyo dulmiga maxaan ku mutay? Duruuftaan ku noolnahay Dulmiyadan sidii roob Maansheeyay dunidoo Ubadkiinni daayacay

Mowjaduhu dafaayaan Daadkoodu nala tagi Dugsi nabada loo hayn Bulshaduna ku daawani Yaa doodan dhaliyee Dareenkayga iLa maqal Qaladkan yaa leh dadow? Muddo badan markaan dayay Dadku suu u noolyahay Iyo dhaqan duqooboon Nolasha aan danaynayn Dalka aan hormarin karin Dadkana aan habayn karin Shaki baygu dooloo Dib markaan u milicsaday Waxaan halis dulmarijiray Igu dayran abid keed Naftaydaan dagaaloon Dacwada qayb ka soo galin Xalkana aan ku daydayi Danbi wayn inaan galay Ama daallin aan ahay Amaan dunida halis galin dareenkiinnu waa kaah Falkaad daa'im fulisaan Daliilkaygu waa kaa Yaa doodan iga guri dacwadayda iga qaban? Garta yaa dariiq iyo marinaayo dawgeed Oo qaban dulmiga koray? Cadaalada ku daydayi Iyadaa na deeqiye Oo qaban dulmiga koray?

Haddii kale dad waynow Ha'iidiidin cabashada Iyadaa i deeqdoo Dulmiga aan la jiifiyoo Xanuunkayga daawayn Waxaan dano tabaayana Sabir baan ku daydayi Maxaa la ii dilaayaa? Ama la'ii dulminayaa oo la'ii dulaysani? Dadnimadayda loo tiri Danbi ma'ogi aan galay Dunidaba hadaan imid Ma dilaa dhashaan ahay Oo cuni dad koo idil Ama laaya duunyada Ma ayax soo dagaan ahay Dalkoo wada barwaaqa ah Dagaankuna cagaar yahay beerihii ku dagayoo wixi dalag baxyiyoo Doogii dhameeyoo Hadana diirtay kaymaha Dukum daakum siiyoo dibba loogu noqonayn Mise cadaw dadkii iyo Dalkii dumiyay baan ahay Danbigii ibliis galay Markuu diiday AMARKII Ma dariiqi baan maray Amaan darajo deeraha

Haddaad waxaa dareenteen Dagaalkiinnu waa gare Maxaa dooda loo xiray? Dadku inuu dhagaystiyo Loo diidi maqalkaba Dadku dhagaha wada xiran Dacwadaydu waxay tahay inaan dunida imidoon Mudanahay daryeel wacan Iyo darajo waynoo Dawrkayga soo bixin Dadkaygii inacayow Xornimadaan danayn jiray addoonimo ku doorsaday Dantu waa balaayee dareenkaygu wuxuu yahay Inaan doorsho qaabkaa dunida aan u sheegoo Dagaal waligay aan wado Darxumada adoonnimo Xurriyaan ka door bidi Gumaysiga idaashaday Geeri baan ka door bidi Inkastoon daciif ahay dagaal baan ka xigaa Dullinimo aan soo maray Danta lagama boodee Waxaan daydayaayaa Nolal aan ku diirsado naftaydana ku daafaco Danteedana oraad cayn caruurtaa la dilayaa

La dulaysanaayaa Yay daawadiis tahay Jirraduna ku daysaa Danbi dhaafna lagu siin Nimco aan duqnimo iyo diifteedu kula socon Geeri kaa dafayn abid IYO darajo aakhiro Dadku aysan fili karin dareenkaygu wuxuu yahay Danqashada jirkaygiyo Xanuunkaa idaashaday Caqligagay dib u riday Iyo waxaan dadnimo qabay Dulmi guud inay tahay dilkuu aabe igu fulin Hooyana ku daawani durdur wabi sidiisii Dabbaal lagaga bixi Karin haddaan la iga dayn Karin Oo la iiga sii dari Anna diiday dhihi Karin Tabar lii daraadeed dantu waa balaayee Maxaa daawo ii noqon? Haddaan dooda kuu foro Qaybta sagaalaad Go'aankaygu: Waa laba dariiqood kala dooranaysaan Go'aan baan diyaarsho

Dacwadaydi socotiyo Doodahaan afjarayaa Dagdag kuma salaynine Nafta yaa ku daashoo Saban doora yaan sugay Idin dooransiiyayee Dagdag weeye xaaja'ee Dib yaan talada loo dhigin Waa laba dariiqood Kala doorbidaysaan Iyadoon dirqi ahayn Midka aan danaynoo Marna aana diidayn Iddaawayn wuxuu yahay Haddii dooda laga talin Dadku ay maqlaayaan Xaqana aan la duudsiyin Oon helo dantaydiyo Dantiinuba siday tahay Oon dareemo nabad iyo Dowrkayga oo run ah Taasaa ku dagayaa Boogahayga dib u dhayi Xanuunkuna i daynoon Dadnimadayda soo celin Iga mayri dulankiyo Dareen xumadii aan qabay Dalkuna ku tagayaa Oon dareemi raaxada Daawadaydu waxay tahay Doogsiga bulshada iyo Dalkoo wada barwaaqa ah

Oy di'i daruuruhu Dadku nabad ku seexdaan Danta guud ka taliyaan Oy daris wanaagiyo Dabcigeeni la ogaa Dib ka soo bilaabaan Dalka horumar gaarsiin Dadka oo qaxaayiyo Dibna gaajo loo maqal DULMIGAAD NA MARISEEN Dadku wada samayn jiray Aan ka dayno qaabkii Caruuruhu ka didayeen Dariiq waa midkaasoo Dadkuu khayrka ku hagaa Diidmadiinna kaa hore Iyo inaad danaysaan Daban daabo socono Duudsiga xuquuqdii Dadku wada lahaayeen Yay dantiisu taa tahay Dad horuu canaad rogay Markay kibarka doorteen Xaqana ay iska diideen Siday diintu fariyoo Shaydaan dariiqiis Kee dooranaysaan Dulmigiyo cadaalada Haddaad doorataan kaa Dib ka qoomamayn iyo Iga suga dagaal iyo Colaad aan damayn oon

Udardaami uur jiif Iyo Duulka soo kici Dantaad ila jeclaydeen Nacaad igu durayseen Yaa doorshay noloshoo Dadka idilba waa nacay Dariiqaad imariseen Dabcigaad abuurteen Dib miyaan ka sixi kari? Amaan doorin karayaa? Ma ku daalinaayee Dadkii hore ayaa yiri HADDAAD DOONI TALO SUGAN OON KAA DUQOOBAYN DIBNA LAGA HALMAAMAYN DUCA QABE ILMAHA YAA MASGAXDIISA LAGU DURI DURBA WUU XIFDINAYAA ISAGAAN KU DAALAYN AMA AAN KU DIIDAYN DARSIGANA HALMAAMAYN Anoo socodka barano Sanadii labaad fanan Wali naaska sii dayn Yaan ku daalay dhaqankiin Wax kastoo darxumo dhali Iga tuuri dawyaha Dareenkeeda waan helay Dadku waxay qasaayeen yaan mooday daawiyi Dariiq EEBEHEEN faray Oon doodba kali karin

Waxaan dib u xusuustaa Dadka hadaladoodii Kala da'yin run iyo been Kala duwin xalaal iyo Dariiqii xaraantaba Marna aan danaynayn Caruuraha dantoodiyo Wixii dib u dhisaayaba Ama aan ka daynayn Wixii dumin akhlaaqdoo Dareenkooda dhaawici Haddii uu dareemaba Inaad duri wuxuu shubi Amaad diido ereyada Dil unbaad sugaysaa Ciqaab daranna waad mari Dadku wuu ogsoonyahay Duruuftaan ku noolnahay Dariiqeedu waa sidan Wax daaweeya lama helin Haddaan la'iga dayn saa Danta wow hogaansami Difaac adag ayaan gali Dariiqaad imariseen Darsigaad isiiseen Dadka anigu waan bari Dareen xoog haddaan helo Oon doob dilaacsado Muruquna darbiga yahay dariiqiinna yaan mari Wax unbaan dilaayaa Dalkana waan gubaayaa

Daw aarsi yaa furan Oon daacad ka ahaan Dibna loo khilaafayn Duniduna i kaalmayn Iyagoo dantood fulin Aniguna diyaar ahay Dalka waxaan u rarayaa Dagaal aan dhamaanay Dadku wada qaxaayaan Dabku gubi guryaha iyo Wixii daar la jeexoon Dibna loo askumi karin Dardaarankaad isiiseen Inaan dilo caruuraha Dariskeenna oo idil Idinana daawanaysaan Dadku iga baqaanoo Dulqaadkuna uu ceeb yahay Markaan daanka jabiyoon Dhiigoodi daadshaan Dareenkiinna fiirshiyo Dabnihiinna oo ile Iska celi dayuuskoo Dibna yaana loo arag Hadareemo kii dhalay Iyo hooyo diirxumi Dadka inaad in dheertahay Dilkuna sharafta uu yahay Dariiqaad imariseen Dulucdiisu toosnayn Dadaalkii aad dhiibteen Ayaan daacad u ahaan

Oonan diiday dhihi karin Mana dooran iniguyee Markaan dunida imid baa La igu duray sun baas oo Sanbabada u gudubtoo Sina looga daawayn

Dareen dunida wada guba Dadku nabadda waayaan Dabku meel walbaba huro Oo duunyo baabiin Dariiqaygu waa kaas Ducadiina aan helo Darsigaad isiiseen Dulmigii uu keensaday dulligaad imariseen OO daaim ila socon Iga reebay dunidaba Dadka waan baraayaa

Duulkii ILAAH rogi Xaqaa laga daboolaa Wadkii dililahaabay Docda guriga ku hayaan Deeqbadanna siiyaan Iyo darajo aan gudhin Markaasay duloobaan Darxumana u baabii Ooy nolasha dabamari Daliilkeedu wuxuu yahay Daayaca ilmaha iyo Dareenlii Dadwayniyo

Danbiga qooyska laga gali Uu dumarku kow yahay Umadaan dadaal bixin Oon ubadka daadihin Dadaal wayn isu gayn Danba way u baabii

********************* Dugsiyadan QURAANKA AH Caruurahaan u dirataan Dugsiyada quraanka ah Naxariis dulqaad liyo Diin laba jeclaysiin Darsiyada quraankana Sun baa loogu durayoo Ardaydu way ka didayaan Dareen nacab ayaa gala Aan daawo loo hayn Dilkaa sababta dhalisiyo Bal dhagaysta sheegada Caruurahan dugsiga tagay Danbiyada barii ka ah Dubkooduna adkaan wali Ha ladilo ayaa yri Iyagoon danbiba galin? Macalin doob dilaacsaday Xoogiisu dihinyahay Muruq yadu darbigan la'eg oo xanaaq ku sii daray Dhaqankiisu waa sidan Indhahoo la duuboo Darsin ulu la soo guro Oo ku dayo middii adag Oo duubka haragiyo

Lafahan u daadagi Durba dhiigu uu quban Mid uu dakhar ku jiidiyo Mid uu daanka jabiyiyo Ilko mid uu ka daadshiyo Mid kaluu indhaha tiray Ama maqalku damug yahay Dagaalkaas wuxu dhici Iyagoon dareen qabin Inay dulan sameeyeen Dadkii dhalay ayaa faray Inuu delo caruurtoo Hilibkiyo dubkuuduba Haduu rabo ha daatee Lafahooda ii daa Dulmi lagu heshiiyuu Ku durdurin markuu rabo

jaamicada moqdisho ayaa ka qayb gashay kulamada ka socda magaalada camaan dalka urdun, taasoo lagu falanqaynaayo jaamacadaha iyo hor u marinta nolasha, iyo dhismaha jiilka cusub taasoo salka ku haysa tayada wax barashada jaamacadaha . waxaa ka muuqda dalkan urdun hor u marin xoogle oo wax basho, waxay natusin tani inta la sameeyay horu kac , iyo sidaa aan uga danbaynno aduunka

Sabanadii la soo maray Iyo haatan siday tahay Siwalboon u eegnabaa Sawirkeeda kore iyo Siyaalaha dhexdeeda ah Haddii aan sifaynnon Kala saarno howlaha

Sina uma midaysnoo Subax daa'im oo idil Si horleh u taallaa Oon soo noq noqonayn Sabankaan ku noolnahay Sacadaha dhexdiisa ah Waa seef wax gaysoo Naxariis aan laga sugin Saacaddii dhamaatana Aan sixid aqbali karin Wax kastoon samaynana Malag suuban yaa qori Sahwi iyi halmaan qabin Mar haday sidaa tahay Aan sabir ogaannoon Shaqo sax ah ku foofnoo Ka shaqaynno samahiyo Waxaan sina qalloc qabin Dulmi lagu salaynoo Umaduna u simantahay Surin foolxun aan marin Ku salaysan diintiyo Siduu EEBEHEEN faray Oo samaha nagu hagii Cidwaliba sadkoodii Sahal ay ku heli kari Iyadoon saluug qabin.
1. HOGAAN DHAB IHI WAA KEE? 2. 3. 4. 5. Hogaan la carbiyaa kuma yimaad Hadal kali ah oon ficil lahayn Waa shaqo habeen iyo dharaar Waxaa lagu haga nolasha guud *howlyar oo fudude *laguma soo hooyo *mudan inaan hayno *iyo hanaankeedaa

6. Duulkaan habdhaqan loo samayn 7. Habka nolasha way dabamaraan

*ma hormaraayaanee *hoor uma guuraanee

i. ***** 8. Hogaan saxa dhismihi waa inaan *howl isugu gaynin 9. Hantideednna uu hagi cilmigu *iyo waxaan haynno 10.iyo xoog waxaan heli karnaba *hagar laaan dhiibnoo 11.Habka guushu saasuu ku iman *iyo hanaan buuxaa 12.Iyo madax hogaan wacan ahoo *haysa taladeenaa i. *** 13.Madax baahi looqabo laarag *baylah iyo daayac 14.Hogaankii wadaniyoo la hobo *iyo halyay dhaartay 15.Habkuu noqon siduu howl uqaban *iyo wuxuu haaban 16.Waa howl la dhaxashiiyay uu *horay u sooqaatay 17.Howd kama imaaninee dhabtii *hooyo ka agdhowraa 18.Ilmihii hogaan laga rabiyoo *haynta qarankeena 19.Hanaan baarinimo oon isdhimin *haysta oo sharafleh 20.U hogaansan diintiyo xaqiyoo *danaha khayrkoo dhan 21.Habka guriga ee fiican baay *gu hana qaadaanee 22.Hayjad kuma lumaan maalin qudhaa *mana habaabaanee i. *** 23.Hooyiyoo hadaan aabo qaban *howsha laga dooni 24.Bulshaduna hab qiima leh ku dhaqin *jiilka hana qaad 25.Iskuulada habkoodana la hubin *iyo hanaankooda 26.Hilinkuu ISLAAMKEENNU falay *lagu habayn waayo 27.Habka toosan oo nolasha haga *iyo hanaan suuban 28.Helimayno maab nagu hagoon *horay u sii raacno 29.Habeen kama baxayniyoo mugdiga *haysta qarankeena i. ***** 30.Inkastoo hogaan xumo darteed *diinta ka habownay 31.Inkastoo hogaan xumo darteed *hilinku uu leexday 32.Inkastoo hogaan xumo darteed *qarankii hiil waayay 33.Inkastoo hogaan xumo darteed *qoyskii kala haaday 34.Qaaradaha aduunyada ku yaal * lagu qoxoon faafnay 35.Uu dumay hanaankii dhismahuu *iyo waxaan haynay 36.Habka looga bixi waa mid jira *waana la hubaayee i. ***** 37.Hab qaloocday waxa toosinkara *ama habayndoona 38.Dhalintii hanuun iyo aqoon * lagu hagoo toosan.

39.Iyo howlkarnimo aan dhammaan * haysatoo sharaf leh 40.Hagar maleh haday waajib fulin * mana halmaamaane. 41.Hordo kuma mashquulaan markay * howl isdabataallo. 42.Hadhka kuma ordain saacaduu *unku kala hadoo 43.Habeen kuma dhafraan waxaan ILAAH * haysan idankiisa 44.Hannaan xumada suuqeenna taal * een la kala haadin 45.Habka dhaqanka ee lumay marnaba *kuma hadsaamaanee i. ***** 46.Hanaan xumada faaftay dagaal *daaim ku hayaanee 47.Habka nolasha ee toosan bay *sii higsanayaayee 48.Himadoodu waa meel saroo * samada heehaabi. 49.Hannaan bira ayay noqonayaan * howl markay wacato. 50.Hadaf mida ayay leeyihiin *Iyo hanaan toosan. 51.Howlguud ayay wada dhisaan *mana hongoobaane. 52.Habka dowlad lagu toosiyana *way higsanayaane i. ***** 53.Himma sare dadkii aan lahayn *horay maaadaane 54.Habka nolasha kuma biiriyaan *howl lacurinaayo 55.Hagaas kama baxaan maalin qura *mana hodmaayaane 56.Kama daalo hoorsiga gacmaha *duul aan howlqabanin 57.Hasha ruuxa aan dhaqikarayn *doogna ku hagaajin 58.Haaneedka aan toosin karin *caano helimaayoo 59.Haddaan ciidan loo hagarbaxeen * libin ma hooyeenee 60.Habka nolasha yay kala hagaan *Kala habeeyaane 61.Hogaan dhabihi saasuu ku dhalan*Waana lahubaayee 62.Himadoodu waa meel saroo* samada heehaabi 63.Hannaan bira ayay noqonayaan*Howl markay wacato 64.Habacsanida suuqeenna taal *kuma hadaaqaane 65.Hordo kuma mashquulaan* markay howl isdabataallo 66.Hogaan toosan saasay ku noqon*Waana lahubaayee

67.Hadafkoo midoobay ku imaan *Howsha qarankeennu 68.Danta guud inaan wada hagnoon*Daacad u ahaanno 69.Dariiqeennu waa kaa haddii*Dooda la higaadsho

70.Hayeeshee midkii dooni khayr* DAAIMKAA hagiyee 71.Duco waalid baa lagu helaa* Darajo waawayne

72.Waa howl ILAAHAY na faray * 73.Hordo kuma yimaadee dadaal * 74.Hogaan wacan si loo helo midnimo* 75.Ku habayno diinteeno waa *

habeen iyo maalin yuu higsanayaayee hilikeed aan raacno howl dhamaystirane

- -------------------------------

You might also like