You are on page 1of 7

Sheekada Timir iyo Qoyskiisa:

Waabaa waxaa jiray wiil Timir la dhaho, Timir wuxuu ahaa 9 jir. Timir wuxuu ahaa wiil aad u naxariis
badan oo u adeega awowgiis iyo ayeydiis oo waayeel ah sidoo kale kaalmeeya hooyadiis iyo aabihiis.
Timir wuxuu lahaa labo walaalo ah, oo ah Maryan oo 3 jir ah iyo Guure oo 5 jir ah. Timir qoyskiisu waxay
ka koobnaayeen hooyadiis Faadumo, Aabihiis Sahal, awowgiis Mustafa, ayeydiis Barni, iyo labadiisa
walaal. Timir magaciisa sadexan wuxuu ahaa Timir Sahal Mustafa. Timir wuxuu ahaa wiil ilaaliya
walaalihiisa ka yar yar, kana kaalmeeya wax barashada iskuulka iyo quraanka.
Timir aabihiis wuxuu ahaa injiniir guryaha dhisa, hooyadiisna waxay laheyd dukaan. Timir subixii markuu
kaco, wuu cadayan jiray, kabacdina wuu weesaysan jiray, wuxuuna tukan jiray salaada subax kabacdina
wuxuu baran jiray casharadiisa iskuulka iyo kuwa dugsiga quraanka. Markii wakhtiga iskuulka lagaaro,
Timir wuxuu gashan jiray dharkiisa iskuulka dhexe, buugtiisa ayuuna qaadan jiray, wuxuuna aadi jiray
iskuulka. Timir wuxuu ahaa mid salaama qofkasta oo kasoo horbaxa markuu dhabada socdo, wuxuuna
ahaa wiil aad u edeb badan lagana jecel yahay dariska iyo xaafada uu daganaa. Timir wuxuu ahaan jiray
ardeyga ugu horeeya e fasalka yimaada.
Markii iskuulka lagasoodaayo oo ah wakhtiga qadada, Timir wuxuu imaan jiray guriga, wuu qadeyn jiray
wuuna seexan jiray ilaa wakhtiga dugsiga laga gaaro. Timir wuu qubeysan jiray markuu hurdada ka kaco
galabtii, wuxuuna aadi jiray dugsiga quraanka.
Maalinta khamiista iyo jimcaha Timir wuxuu ciyaari jiray banooniga kubada cagta, wuxuu kale oo booqan
jiray guryaha qaraabadiisa sida habaryartiis, abtigiis, eedadiis iyo adeerkiis oo wuxuu la ciyaari jiray
walaaliis. Timir wuxuu lahaa ilma adeer, ilma habreed, ilma abti, iyo ilma eedooyin markii leysku daro aad
u tira badan.
Qoyska iyo Qaraabada

Libaax, Dhurwaa, Dawaco iyo Raqdii habar dugaag:


Dhurwaa ayaa wuxuu dilay hal geel ah. Sida lagu yaqaan dhurwaa markuu neef dilo wuu isugu habar
wacdaa oo wuu qeyliyaa si dhurwaayada kale ugu yimaadaan. Qayladiisii waxaa maqlay intii dugaag
cariga joogay. Waxaa raqdii jimid, libaax, shabeel, haramcad, jiifaa, gaduudane, dawaco, dhidar, weer
calaan, iyo intii hilib cuntoo dhan. Markey raqdii isugu yimaadeen, dhurwaa markuu libaax arkay wuxuu
yiri anaa raqda qeybinaya. Libaax wuu u dhaafay oo wuxuu yiri qeybi raqda. Dhurwaa wuxuu yiri
Ma lug, mase lug, lug libaax baa leh, lugna haraagaa leh, haraaga oo micnaheedu yahay inta kale
dugaaga.
Ma geeni, mase masejeeni, jeeni libaax baa leh, jeenina haraagaa leh
Ma sarar, mase sarar, sarar libaax baa leh, sararna haraagaa leh
Ma dhag, mase dhag, dhag libaax baa leh, dhagna haraagaa leh
Ma misig, mase misig, misig libaax baa leh, misigna haraagaa leh
Wixii qeybsama waa qeyb libaax, waxaan qeybsamina quud ma aha
Markuu intaas yiri ayaa libaax xanaaqay oo dharbaaxo ku qaaday dhurwaa. Dawaco ayaa soo booday oo

tiri libaaxow qeyb anaa aqaan markaas libaax ayaa yiri dawacow qeybi.
Waxay tiri.
Ma bar mase bar, bar libaax baa leh, inta kalena waa qeyb. Waxay tiri Inta qeybta ah aan qeybiyo
libaax markuu qeybtiisa qaato. Inta qeybta ah na waa saan ayey tiri.
Lag ninkiii ladan baa leh e libaax u dhaaf, dhidar wuu dhafraa ee dhagta u goo, dhurwaa dharbaaxaa
ku dhacday hambada ha sugo, shabeel sharaf mudan e shanshada qaarkeed u dhiib, haramcad weyska
howdjooge haf yar u goo, dawaco ma dhuunweynee inta dhexaa ku filan, gaduudane garabka hilib yar
uga goo, wixii harayna libaax iyo dawaco wax uga daya.
Libaax wuu qoslay oo yiri, dawacow yaa qeybta ku baray adiga. Markaas ayey tiri, dhaban dhurwaa
dharbaaxadii ku dhacday ayaa qeybta I bartay.

AF-SOOMAALI KOOBAN:

Xuruufta afka soomaaligu waxay ka kooban tahay 21 shibane iyo 5


shaqal. Hoos waxaa ku qoran xuruufta afka soomaaliga iyo
dhawaaqooda.
Xaraf

Dhawaaqa

Arey ka bilowda xarafkan

Bb

Ba

Bar, Baro, Buur

Tt

Ta

Taar, Talo, Toos, Tiro

Jj

Ja

Jaar, Jago, Jilib, Jeer

Xx

Ha

Xero, Xoog, Xeer, Xor

Dd

Da

Door, Dameer, Daad, Deg

Rr

Ra

Rabsho, Rag, Reer, Raad, Raas

Ss

Sa

Safar, Saliid, Sawir, Sahal, Saf

Shsh

Sha

Shan, Shanlo, Sheeko, Shaf

Dhdh

Dha

Dheg, Dhalo, Dhoof, Dhabar

Cc

AA

Caan, Cagaf, Cad, Caano

Gg

Ga

Gabar, God, Gees, Galab

Ff

Fa

Faan, Faras, Funka, Fasal, Fahan

Qq

Qa

Qoys, Qareen, Qiiro, Qumbe, Qalab

Kk

Ka

Kaalay, Kaalmo, Keen, Koor, Kibir

Mm

Ma

Maal, Muruq, Meel, Mas, Male

Nn

Na

Nasiib, Noog, Nolol, Niyad

Ww

Wa

War, Wareeg, Waydiin, Wakiil, Wiil

Hh

Ha

Horay, Hogaan, Hees, Hilib, Higaad

Yy

Ya

Yeel, Yariis, Yey, Yaxaas, Yaanyo

Shaqalada
Shaqalada waxay u kala baxaan shaqalada dheer iyo shaqalada
gaaban

Shaqalada gaaban waa Aa, Ee, Ii, Oo, Ou


Shaqalada dheerna waa AAaa, EEee, OOoo, UUuu

Xubnaha Qofka oo Afsoomaali iyo English ah - Human


Body Parts Somali & English:

Areyada iska horjeeda Opposite words:

Soomaali
Kuleyl Qabow
Qoyaan Qalayl
Weyn Yar
Badan yar
Dheer Gaaban
Buuran - Caato
Duq Dhalinyar
Dharag Gaajo
Abaar aaran
Abaar Doog
Kor Hoos
Wanaag Xumaan
Adayg Jileec
Maran Buux
Wiil Gabar
Rag Haween
Gude Dibad
Furan Xiran
Fur xir
Wasakh Nadiif
Dami Daar
Hooyo Aabe

----- English
----- Hot Cold
----- Wet Dry
----- Big - Small
----- Big Small
----- Tall Short
----- Fat Skinny
----- Old Young
----- Full Hungry
----- Drought Prosper
----- Drought - Green
----- Up Down
----- Good Bad
----- Hard Soft
----- Empty Full
----- Boy Girl
----- Men Women
----- In Out
----- Opened Closed
----- Open Close
----- Dirty - Clean
----- Turn off Turn on

Abaayo Aboowe
Baaye Boowe
Inan innan
Oday Habar
Jano Naar
Macaan Kharaar
Macaan Dhanaan
Qani Faqiir
Culeys Fudeyd
Qurux Fool xumo
Qosol Oohin
Hadal Aamus
Madow Cadaan
Habeen Maalin
Gudcur Dharaar
Mugdi Iftiin
Subax Galab
Fadhi Istaag
Lug Gacan
Dhig Qaad
Sii daa Qabo
Dhul Cir
Dayax Qorax
Riqiis Qaali
Fog Dhow
Farxad Murugo
Halkan Xaggaas
Gudaha Dibada
Duug Cusayb
Culeys Khafiif
Midig Bidix
Buur Banaan
Diiq Digaag
Sac Dibi
Ri Orgi
Lax Wan
Hal Rati

----- Father Mother


----- Sister Brother
----- Sister - Brother
----- Young woman Young Man
----- Old Man Old Lady
----- Paradise - Hell
----- Sweet - Bitter
----- Sweet Dhanaan
----- Rich Poor
----- Heavy Light
----- Beautiful - Ugly
----- Laugh - Cry
----- Talk - Silence
----- Black - White
----- Night - Day
----- Darkness - Daylight
----- Dark - Light
----- Morning After noon
----- Sitting Stand
----- Leg - Hand
----- Put down - Take
----- release - Catch
----- Earth Sky
----- Moon Sun
----- Cheap Expensive
----- Far Near
----- Happy Sad
----- Here There
----- Inside Outside
----- Old New
----- Heavy Light
----- Right Left
----- Mountain - Terrain
----- Rooster Hen
----- Cow Bull
----Female Goat (Doe) Male Goat (Buck)
----Female sheep (Ewe) Male Sheep (Ram)
----Female Camel (mare) Male Camel (bull)

Diin iyo Dawaco


Waabaa waxaa jiray Diin iyo Dawaco oo daris ah. Dawaco riyo caata ah bay laheyd Diina ido buurbuuran
buu lahaa. Qofba xoolihiisa mid ka mid ah ayuu qalan jiray asbuuciiba mar. Dawacadu aad ayey uga
maseyri jirtay idaha diinka maadaaba ay aad uga buurbuuran yihiin riyaheeda. Maalintii danbe ayey
waxay tiri, Diinow waa talo, oo soo jeedisay in idaha iyo riyaha leysku daro oo qofba maalin raaco
intii qofba arigiisa gooni u raaci lahaa. Maalintaas kadib, dawaco ariga maalin ayey raaci jirtay Diina

maalin buu raaci jiray.


Taasi dawaco waxay u siyaadisay maseyr hor leh maadaaba ay idihii buurbuurnaa maalin dhaaf iyadu
raacdo, markaas waxay ku tashatay inay idaha diinka ka horeyso oo ka celiso naqa iyo doogga
maalinteeda si ay u caatoobaan. Dawaco maalinteeda siday idaha diin naqa uga celinyso waxay imaan
jirtay iyada oo aad u gaajeysan una ooman markaas biyo badan iyo keyd hilib ah oo badan ayey cuni
jirtay, taas oo kaliftay inay neefkeeda dhameyso asbuucii oo aan kalabar joogin idihiina maalin dhaaf si
dhakhso leh way ugu caatoobi waayeen. Khasaaro hor leh ayaa dawaco u bilowday maadaaba
keydkeedii dhamaaday. Dawaco way dhagar badan tahay e waxay istustay inay guriga diin u dabamarto
maalintuu ariga raaco oo hilibkiisa ka xado uguna badasho dhagax hilibka u eg, waxayse ogaatay
inuusan diin keydkiisa meelin dhigin ee uu qolofkiisa ku qaato. Maalintii danbe ayey hadana tiri, Diinow
waa talo, aan qoys noqono, aan wada qalano qeybna yeyan jirin. Dawaco waxay soo jeedisay in ay
halneef wada qashaan dhowrkii habeen ba mar oo isla wadaagaan si isku mar hilibku uga dhamaado
qeyb weyna uga qaadato maadaba iyadu aad u gaajooto maalintay ariga raacdo.
Markii mudo laga soo wareegay idihii diin aad ayey u caatoobeen, riyihii dawacana aad ayey u
buurbuurteen, sheekada isaga iyo dawaco dhextaagan way mari weysay maadaba idihiisa maalinba
maalinta ka danbeysa sii caatoobayaan, ari qalidiina batatay, wuxuuna fahmay khiyaanada dawaco,
markaas ayuu dawaco u yimid oo yiri, Dawacow waa talo, qows wax qeybsan uma qalmaan, arina
waa ido iyo riyo, dawacana waa habar dugaag. Horta wax qeybsan qoys uma qalmaan oo wax kasta oo
dhib iyo dheef waa u simanahay, arina waa ido iyo riyo waa qoys xoolihiis, dhawacana waa habar dugaag
oo xin iyo xaasidnimo kama filanayo saas darteed adaa leh talada qoyska. Maadaba diin uu dawaco
isugu daray xigmad, faan iyo talada qoyska aad ayey u faraxday laakiin dib ayey ka qoomameysay
waayo waa inay dib u naaxisaa idihii ay gaajada ku dishay oo iyagu noqday xoolaheeda qaarkood.

Afka soomaaliga dadka ku hadla loo yaqaano inay leeyihiin waxaa ay


aduunyada uga nool yihiin geeska afrika magaca dadka ku hadlana
waxaa uu caalamku u yaqaanaa soomaali, magaca uu afku leeyahay iyo
dadka ku hadla waa isku mid oo soomaali, aduunyada aan ku noolnahay
waxaa ka jira( 6500) oo luqadood oo ladiiwaan galiyey 2013ka, qarnigii
aanu soo dhaafnay tirada afafka aduunyada looga hadlayo waxaa ay u
dhexeeyeen 700 ilaa6900, waxaa meesha ka baxay oo lumay boqolaal
luqadood, sababta afafkaas ay lu meen ayaa waxaa loo aanayneeya
dadkii lahaa ayaa dayacay,hadaba afka soomaaliga ayaa waxaa uu ku
socdaa inuu qarniyada dhaw meesha ka baxo, maxaa yeelay dadkii
soomaaliyeed meel walba ooy joogeen waxaa ay u xusul duubeen inay
bartaan afqalaad, waxaa ay qalad ka fahmeen afkoodii hooyo, ilbaxnimo
ayey u arkeen inay ku hadlaan af aysan lahayn, dadka soomaaliyeed
ayaa lagu tiriyaa inay yihiin kuwo ay yartahay wadaniyadoodu, hadii aan
jaleecno dad yawga calamkau waxaa ay afafkooda u samaysteen
tignolajiyo calami ah oo ay ku kaydiyeen afkooda hooyo, waxaa ay u
samaysteen softawero kuugu tarjumada afkii aad doonto, laakiin umada
soomaaliyeed wax dan ah kama laha afka soomaaliga, waxaa jira dad

aan aad ugu mahadcelinayo oo sameyey qaamuus afsoomali iyo english


ah oo laga helo magaaloyinka waa wayn ee caalmalka , waxaa in afka
soomaaligu uu duugoobo sababta u wayn leh, dadkii iska lahaa oo
dabaylraacay, waxaadna ka garansaa sida warbaahinta soomaalidu uga
seexatay, qofkii soomaali ah oo hada isku daya inuu sameeyo buugaag
iyo qalab lagu barto afka soomaaliga ma helayo qof soomaali ah ka
iibsada , dadka soomaliyeed waxaa ay cimigoodii iyo caqligoodii isugu
geeyeen qabyalad salka ku haysa aniga, arita sida aadka ah u baaham in
loo eego ayaa ah ubadka soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ee dadkii
dhalay aysan wax xil ah iska saarayn inay kula hadlaan afka soomaalga
amaba u badkooda kala faanay afka soomaaliga,qofkii lumay waaba
lumay waxaa umada caqliga leh u sheegaynaa inay u guntadaan sidii ay
afka soomaaliga u hormarin lahaayeed uguna baraarujin lahaayeen
bulshada soomaaliyeed ee hamuunta u qabta inay bartaan af aysan
lahayn.
by xaashi

You might also like