Professional Documents
Culture Documents
“Xaalku wuxuu ku dhammaaday fawdo. Mid ka mid ah kooxihii ayaa rabsho kiciyey
waxayna fureen rasaas. Xabbadihii ugu horreeyey ee la riday ayaa iiga dhacay lugta
midig iyagoo burburiyey lafta,” ayuu dib u xusuustay Sayid-Cali, oo haatan 41-jir ah.
Si xun ayuu ugu dhaawacmay weerarka. Saaxiibbadiis waxay nasiib u yeesheen inay
ka gabbadaan rasaastii la riday waxna kuma aanay noqon.
“Waxay u kala carareen goobo nabdoon, balse anigu ma nasiib badnayn. Isla markii
ay rasaastu igu dhacday, waan miyirbeelay, waxaana dib u soo miyirsaday anigoo ku
jira isbitaalka, halkaas oo ay saaxiibbadey iila carareen,” ayuu raaciyey Sayid-Cali.
La Nool Naafanimo
“Dhaawaca la ii gaystay wuxuu igu noqday musiibo labanlaab ah. Waan sii wadan
kari waayay waxbarashadaydii kaddib dhacdada,” ayuu yiri ardaygii hore ee baran
jiray cilmiga xannaanada xoolaha.
Isla markii laga saaray isbitaalka, Sayid-Cali waxaa soo wajahday xaalad xannuun
badan oo la xiriirta sidii uu ula tacaali lahaa naafanimo aan noloshiisa oo idil ka hari
doonin oo uu ku qaadanayo dal ay rabshaduhu burburiyeen.
Sanado badan, Sayid-Cali wuxuu u adkaystay nolol go’doon ah. Saaxiibbadiis way
cidleeyeen. Dadka cusub ee ay is-bartaan way ku jeesjeesi jireen waxayna ugu yeeri
jireen ‘Lugey’ ama ‘Jiis’, oo ah cay qayaxan oo afka Soomaaliga ku micno ah ‘ninka
dhutiya’ ama ninka halka lug kaliya leh.
Isagoo ku tiirsan kaliya taageerada uu ka helo qoyskiisa, Sayid-Cali dib ayuu u dhisay
noloshiisa wuxuuna noloshiisa ku mashquuliyey ganacsi yar oo tafaariiq ah oo uu
sameystay. Si tartiib-tartiib ah ayuu dib u soo dhisay go’aankii uu ku qaaday inuu ka
caawiyo dadka sidii ay colaadaha uga guuleysan lahaayeen, u heli lahaayeen
waxyaabo mideeya una wada noolaan lahaayeen si wadajir ah isla markaasna nabad
ah. Muddadii uu hawshan ku jiray, wuxuu noqday qof noloshiisa u huray u
halgamidda xuquuqda dadka naafada ah.
Awood-siin
“Waxaan billaabay inaan u ololeeyo xuquuqda dadka naafada ah anigoo ka hadli jiray
kulamada dhallinyarada, munaasabadaha isboortiga iyo isku imaatinnada kale,” ayuu
yiri Sayid-Cali.
“Dadka naafada ah waxay leeyihiin xuquuq la mid ah sida qof kasta oo kale.
Ujeeddaydu waa inaan ka caawiyo inay ka faa’iidaystaan xuquuqahaasi, si la mid ah
dadka naafada ah ee ku nool adduunka intiisa kale,” ayuu yiri u dhaqdhaqaahan
arrimaha naafada.
Haddii xuquuqaha, fikradaha iyo baahiyaha dadka naafada ah aan wax laga qaban
inta lagu gudo jiro geeddisocodka dib loogu eegayo dastuurka, wuxuu sheegay in
dadaallada la doonayo in lagu xaqiijiyo fayoqabkooda ay noqon doonaan kuwo lagu
tuntay.
Tan iyo sanadkii 1992, Maalinta Qaramada Midoobay ee Dadka Naafada ah waxaa la
soo xusayay 3-da Disembar sanad kasta. Hal-ku-dhegga sanadkan waa “Awood-siinta
Dadka Naafada ah iyo Xaqiijinta Ka Qaybgalinta iyo Sinnaanta,” wuxuuna diiradda
saarayaa ku wajihinta dareenka caalamka baahida loo qabo awood siinta dadka
naafada ah si loo gaaro horumar waara oo loo dhan yahay, loona simman yahay sida
ku qorshaysan Ajandaha 2030 ee Horumarka Waaraya. Isagoo wacad ku maraya
“inaysan cidina ka maqnaan,” Ajandaha 2030 wuxuu aqoonsan yahay sharafta uu
shakhsigu leeyahay iyo sinnaanta loo leeyahay dhammaan mabaadi’da aasaasiga ah
ee shaqada Qaramada Midoobay ee ku aaddan horumarka, xuquuqda aadanaha, iyo
nabadda iyo amniga.