You are on page 1of 2

War Saxaafadeed

Soomaaliya: 1.08 oo doolar ayaa loo baahanyahay si kaalmo bini’aadamnimo


loola gaaro 3.4 milyan oo Soomaali ah.

Muqdisho, 21 Janaayo 2019: Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka ee waddanka ka
shaqeeya maanta waxa ay ku dhawaaqeen Qorshaha ka Falcelinta Baahiyaha Bini’aadamnimada ee 2019.
Dowladda iyo Hay’adahu waxa ay hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo deeq degdeg ah si howlaha gurmadka loo
sii wado. Qorshaha maanta la shaaciyay waxa uu codsaday 1.08 bilyan oo doolar si caawinaad naf-badbaadis ah
iyo kaalmo dhanka hab nololeedka ah loo gaarsiiyo 3.4 milyan oo ah dad ay saameeyeen colaado, is bedello
dhanka cimilada ah iyo barakac.

Horumarka laga gaaray dhanka sugnaanta cuntada kadib xilli roobaadkii Gu-ga ee 2018 oo si wanaagsan u da’ay
iyo gargaarka bini’aadamnimada ee 2018 oo la joogteeyay waxaa ka dhalatay in tirada dadka u baahan kaalmo
bini’aadamnimo uu hoos uga soo dahco 6.2 milyan oo qof oo uu u dego 4.2 milyan oo qof, hoos u dhacan ayaa u
dhigma boqolkiiba %32. Si kastaba ha ahaatee, colaado soo noqnoqday, isbedel ku yimid cimilada iyo deegaanka
dartood waxaa laga cabsi qabaa in horumarkaas habac uu ku yimaado. Intaas waxaa wehliya, baahiyaha
bini’aadamnimadu waxay weli ka sarreeyaan halkii ay joogeen laba sano ka hor intii aysan bilaaban mashaqooyinka
bini’aadamnimada la xiriira. In ka badan 1.5 milyan oo qof oo u badan barakacayaal iyo reer miyi ayaa wajahaya
xaalad cunta yari oo aad u adag (IPC 3) waxayna u baahanyihiin kaalmo aan soo daahin si naftooda loo caymiyo.
Nafaqa darradu aad ayay u sarreysaa guud ahaan waddanka. In ka badan 2.6 milyan oo qof ayaa gudaha dalka ku
barakacsan oo ku nool duruufo aad u adag. Dadkani aad ayay u nugulyihiin waxayna u baahanyihiin adeegyada
aasaasiga ah iyo daryeel.

“Haddii aysan hay’aduhu sii wadin gargaarka bini’aadmnimada oo aysan sara u qaadin howlaha caawinaadda
sannadkan horraantiisa waxaa halis loogu jiraa in guulihii la gaaray la xajin waayo, maadaama Soomaaliya ay tahay
waddan ay soo daashadeen aafooyin iyo colaado socday waqti dheer. Mashaakilka ay keentay is bedelka cimilada
sida xilli-roobaadka deyrtii dhoweyd oo aan wanaagsanayn oo ay wehliso colaado iyo barakac mudo lugu soo jiray
ayaa sababi kara natiijooyin aan la mahadin, burburinna kara hab nololeedka dadka” ayuu yiri Peter de Clerq,
xiriiriyaha arrimaha bini’aadamnimada ee Soomaaliya. “waxaan ugu yeerayaa beesha caalamka iney bixiyaan
deeqo deg deg ah oo wax looga qaban karo baahiyaha jira. Mashaariicda maalgashiga iyo in la dhiso u adkeysiga
aafooyinka ee dadka ayaa loo baahanyahay in xoogga la saaro si ugu danbeyn loo cirib tiro baahiyahan dadkuna
ugu noolaadaan si sharaf leh”

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadineysaa dadaallada hay’adaha gargaarka ee lugu


badbaadinaayo dadka Soomaaliyeed, baahiyahana lugu yareynayo ayadoo loo maraayo in la dhiso adkaysiga
dadka. “Qorshaha sannadkan wuxuu si cad u qeexayaa in aan baahiyaha bini’aadamnimada la cirib tiri karin
ayadoo aan lugu barbar wedin mashaariicda horumarinta, sidaas daraadeed waxaa loogu baaqayaa hay’adaha ka
shaqeeya mashaariicda horumarinta in ay kaalin mug leh ka qaataan arrintan” ayuu yiri Xamsa Saciid Xamsa,
Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka xukuumadda Federaalka ah. “Waxaan ka
codsaneynaa deeq bixiyeyaasha in mudnaan la siiyo mashaariicda lugula tacaalayo caqabadaha ku gudban
hormarinta. Waxaan diyaar u nahay ina aan la shaqeyno dhammaan saaxiibada caalamka si loo gaaro xal waara
ayadoo la dhaqan gelinayo hannaanka kasoo kabashada nugeylka (Recovery and Resilience Framework)
Ayadoo ay jirto caqabadaha amniga, hay’adaha gargaarku waxa ay kaalmo gaarsiinayeen celcelis ahaan saddex
milyan oo qof bishiiba sannadkii 2018. Qorshaha (HRP) ee 2019 waxaa lagu talo galay in la gaaro 3.4 milyan oo qof
(oo boqolkiiba %81 ka ah 4.2ka milyan ee kaalmada u baahan), halka dalabka qorshaha HRP uu hoos uga soo
dhacay 1.5 bilyan oo doolar 2018kii sannadkanna uu yahay 1.08 bilyan oo doolar. Howlaha gargaarka wuxuu
sanadkan xoogga saarayaa naf badbaadinta, nafaqaynta, daryeelka iyo soo kabashada dadka nugul. Si aad u
dejisid HRP 2019, guji halkan: http://bit.ly/som2019hrp

*** Wixii faahfaain ah, kala xiriir: Tapiwa Gomo, Head of Communication, gomo@un.org, Tel.
+252 616 548 007 Antonette Miday, Public Information Officer, miday@un.org, Tel. +252 619150461
Mursal Ali Ahmed, Public Information Analyst, mursalali@un.org, Tel: +252619150457 Abdullahi
Mohammed, Communication Advisor, Communications@mohadm.gov.so, Tel. +252616945410

You might also like